U bood dhigaalka

Madasha Wadatashiga Qaran Oo Loo Gudbin Doono Qorshaha Ugu Dambeeya Ee Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka ayaa la filayaa in horraanta bisha soo aadan ee August ay madasha wadatashiga qaran usoo gudbiyeen qorshaha ugu dambeeya ee doorashooyinka.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye oo la hadlay wakaaladda SONNA wuxuu sheegay in 2-da bisha soo aadan magaalada Muqdisho uu ka dhici doono shirka madasha wadatashiga qaran kaasi oo arrimo badan looga hadli doono.

“Shirkaan wuxuu dhacayaa 2-da ilaa 4-ta bisha August, waana shir muhiim ah, waxaa warbixin looga dhagaysan doonaa guddiga Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo sheegaya qorsha ugu danbeeya ee Doorashooyinka” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in madaxda dowladda ay ku adkeysanayaan in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talo-galay.

Sidoo kale wasiir Maareeye ayaa rajo ka muujiyey in shirka madasha ee bisha soo socota ka dhici doona magaalada Muqdisho kasoo baxaan natiijooyin muhiim ah.

Shirkii ugu dambeeyay ee madasha wadatashiga qaran ku yeelatay magaalada Bayadhabo ayaa waxyaabaha aadka la iskula fahmay waxaa ka mid ahaa in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda, iyadoo lasoo saaray jadwalkii doorashada.

Inkastoo jadwalkaasi lasoo saaray hadane sidii loogu talo-galay illaa hadda uma aanu dhaqan gelin jadwalkaan, iyadoo laga digayo in dib u dhac ku yimaado waqtiga doorashada loo ballansan yahay.

Goobjoog News