U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? Tirada Dadka La Diley Bishii July 2016

Waa mar kale iyo qormadii ay ku soo bandhigi jirnay dilalka iyo dhibaatooyinka ay Saxaafadda tabiso ee Soomaaliya ka dhaca, Sida ku cad tirakoobka aan sameyney illaa 104 qof ayaa siyaabo kala duwan dalka loogu diley, halka dad 35 qof ah ay dhaawacmeen .

Halkan ka akhriso Dambiyada Dalka ka dhacay:

July 1, 2016: Qarax ayaa ka dhacay Deegaanka Lafoole, oo ku yaala inta u dhaxeyso Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in dhimashadu ay gaartay 18 ruux, isagoo muujiyay in Lafoole uu ka dhacay waxa uu ugu yeeray xasuuq shacab.

July 3, 2016: Sarkaal ka tirsan ciidamada Xooga dalka Somaliya ayaa lagu dhaawacay Gobolka Galgaduud kadib markii gaarigii uu saarna la rasaaseeyay. Sarkaalkan ayaa la sheegay kolonyo gaadiid ah uu la socday in lagu rasaaseeyay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

July 3, 2016: Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa  siyaabooyin kala duwan laba qof ugu dilay Magaalada Muqdisho, iyadoona ay dilalkan u dhaceen si aan ku talla-gal ahayn.

Gaari ay la socdeen Ciidamada Dowladda oo maraayay Isgoyska Zoope ee Degmada Hodan, xilli mashquul uu ka jiray, ayaa waxay furayn rasaas oo ay ku doonayeen in ay wadada ku furaan, ha yeeshee uu hal qof oo rayid ihi ku dhintay rasaastaasi.

Dhanka kale askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, aya galabta qof shacab ahaa ku dilay Suuqa Bakaaraha, xilli ay dad eryanayeen nin lagu sheegay inuu tuug ahaa. Rasaastii uu riday askarigaasi waxaa ku dhintay nin ka ag-dhawaa halkaasi.

Askarigan, ayaa la sheegay in rasaastaasi uu u riday ninkii baxsadka ahaa, xilli uu u muuqday mid ka sii baxsanaya gacanta dadkii eryanaayay, balse ay si kama’ ihi u dishay ninkii ka ag-dhawaa goobtaasi.

July 4, 2016: Laba askari oo ka wada tirsan ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa isku dishay meel ku dhaw Madaxtooyada Somaliya, kadib markii labadan Askari uu muran soo kala dhex galay. Xerada Caga Dhiig oo ku taal Dhabarka Dambe ee Madaxtooyada Somaliya ayeey labadan Askari isku dileen, kadib markii qoryihii ay wateen ay isku rasaaseeyeen.

 

July 5, 2016: Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay suuqa weyn ee degmada Wadajir magaaladan Muqdisho.

Qaraxani ayaa lagu tuuray gaari nuuciisu yahay Kaarib oo taagnaa suuqaweyn ee degmada Wadajir, halkaas oo maanta ahayd meel aad u saxmad badan isla markaana ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

July 5, 2016: Faah-faahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa qaraxyo ka dhacay Ceelbiyood ku yaalo Deegaanka Dhabaa oo ku yaala Gobolka Gedo, una dhaxeeya Degmooyinka Ceelwaaq iyo Deegaanka Dhamase. Deegaankan wuxuu 30-KM u jiraa Degmada Ceelwaaq.

Hal ruux ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday qaraxyadaasi, halka ay ku dhaawacmeen labo kale oo dadka deegaanka ah, kadib markii qaraxa uu qabsaday halkaasi.

July 6, 2016: Weerar ayaa lagu qaaday saldhiga Booliiska Cadaado, Kooxaha hubaysan ayaa la sheegay inay rasaas la dhaceen Saldhiga Booliska oo ciidamada Maamulka Galmudug ay ku sugnaayeen.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyootay Israsaaseyntaasi, iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale oo ka dhashay.

July 11, 2016: Afhayeenka Ciidanka Ururka Al Shabaab, C/casiis Abuu Muscab, ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii ay hal habeen ka hor ku galeen Xerada Laanta Buuro, oo 10km u jirta Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Mar uu ka hadlaayay khasaaraha ay weerarka Xerada Laanta Buuro ugu gaysteen Ciidanka Dowladda, ayuu sheegay in ay kaga dileen 30 askari, iyadoo toddobo gaarina ay kaga qabsadeen, halka saddex kalana ay uga gubeen, sida uu yiri.

July 13, 2016: Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab iyo ciidamada Xooga dalka Somaliya oo ay wehliyaan ciidamada Koonfur Galbeed, ayaa  ka dhacay deegaanka Goofgaduud Shabellow oo ka tirsan Gobolka Baay.

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Somaliya qaybta 60-aad ee Gobolka Baay Ismaaciil Khaliif Jire, ayaa sheegay dagaalkaasi in Khasaare ay ku gaarsiiyeen Shabaabka, Wuxuu sheegay inay dileen 15-ka mid ah ciidamada Shabaabka ee weerarka soo qaaday,

July 14, 2016: Baladweyn, Hiiraan,  meydka qof shacab ah ayaa laga helay deegaanka Luuq Jeelow ee duleedka magaalada Baladweyne.

Wariyeyaasheena ku sugan gobolka Hiiraan ayaa waxay soo sheegayaan in shaqsiga la dilay lagu magacaabi jiray Cali Cabdulle, islamarkaana u shaqeynayey NGO lagu magacaabo Wardi oo ka howlgala magaaladaasi.

July 18, 2016: Qof rayid ah ayaa ku dhintay isgoyska KM5 ee magaalada Muqdisho kadib markii uu xabado furay nin ka tirsan ciidamada dowladda.

Askariga wax dilay ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu horay ula murmay haween goobta ku ganacsata iyo dad kale.

July 18, 2016: Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxay gelinkii dambe ee Axadii Gobolka Baay ay ku dileen 14 qof oo dhammaantood rayid ahaa. Dadkan, ayaa waxaa lagu laayay Deegaanka Wardiinle oo qiyaasti 3km u jirta Deegaanka Awdiinle. Awdiinle ayaa 30km u jirta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

July 18, 2016: Qarax Miino ayaa ka dhacay, degmada Afgooye , qaraxan uu ahaa Miino lagu aasay bar koontarool oo ciidamada dowladda ku lahaayeen duleedka degmada Afgooye.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay Askar ka tirsan ciidankii ku sugnaa Koontaroolkaasi, waxaana dhaawac uu soo gaaray askari kale sida uu Goobjoog News u xaqiijiyey Mahdi Xasan oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka degmada Afgooye.

July 24, 2016: Askari ka tirsan Ciidanka Militariga Somaliya, ayaa waxaa  lagu dilay Degmada Wadajir ee Galbeedka Magaalada Muqdisho. Askariga oo watay qori AK47 ahaa, ayaa waxaa lagu weeraray dhabarka dambe ee Isbitaalka Madiina, iyadoo la soo sheegaayo in dhawr xabadood looga dhuftay qaybaha kore ee jirkiisa.

July 26, 2016: Subaxnimo ayaa  deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kooxo Hubeysan waxa ay ku dileen Nabadoon caan  ka ahaa deegaankaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon Xasan Fiidow waxaana la sheegay in Nabadoonka dilkiisa ay ka dambeeyeen Maleeshiyo Hubeysan.

July 26, 2016: Labo qarax ayaa ka dhacay Albaabka xerada Xalane,

Inta la xaqiijiayey 12 qof aoo isugu jira ciidamo iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoo la xaqiijiyey dhaawaca 2 ruux balse khasaaraha uu intaasi ka badan karo.

July 29, 2016: Laba ka mid ah Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxaa lagu dilay Suuqa Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, xilli mashquul badan uu ka jiray Suuqaasi. Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa si gaadmo leh u toogtay askarta, waxaana dilka ka dib ay ka baxsadeen goobtii ay ku toogteen.

July 30, 2016: Sarkaal Booliska Somaliya ka tirsanaa, ayaa waxaa lagu dilay Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, ka gadaal markii ay toogasho ku dileen niman bistoolado ku hubeysnaa.

July 31, 2016: labo Qarax ayaa ka dhacay xarunta CIDda Muqdisho Wasiirka amniga ee dowladda Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta CID-da ayaa sheegay in dadka dhintay ay yihiin 7 raggii weerarka geystay ah iyo 5 qof oo shacab ah.

Shirka Jaraa’id waxaa kaloo wasiirka amniga qaranka sidoo kale joogay Taliyaha booliiska iyo taliyaha nabad sugidda qaranka iyo  madax kale ee dowladda Soomaaliya.

Amin  Ambulance oo ah gadiidka gargaarka dadweynaha oo la hadlay Goobjoog News ayaa dhankooda sheegay in 12 qof ay ka qaadeen goobta qaraxa ka dhacay ee CID-da.

Maamulka Isbitaal Madiina oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in 17 qof la keenay halka 2 ka mid ah dadkiisa ay dhinteen

 

Mawduucyada:Dilalka