U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas Iyo Saraakiisha Booliiska Puntland Oo Kulan Amniga Looga Hadlayey Ku Yeeshay Garoowe (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 16 Agoosto, 2016 Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, ku-xigeenkiisa iyo dhammaan taliye qaybeedyada gobollada Puntland.

Kulankaan u dhexeeyey Madaxweynaha iyo saraakiisha ciidanka Booliska ayaa ku saabsanaa sidii looga wada tashan lahaa amniga gudaha Puntland,  si looga gaashaanto damaca Al-shabaab ay la doonaayaan in ay ku-waxyeelleeyaan amniga iyo xasilloonida ka jirta magaalooyinka Puntland.

Taliye qaybeedyada sagaalka gobol ee Puntland oo kulankaan goob joog ka ahaa ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey tallaabooyinka horumarineed ee u qabsoomay iyo caqabadaha kala duwan ee ay la kulmaan xilliyada ay hawl-gallada ammaanka lagu sugayo ka wadaan gudaha magaalooyinka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa Taliyaha ciidanka Booliska iyo dhammaan taliye qaybeedyada ku ammaanay shaqada ay bulshada u hayaan, waxaana uu  ku boorriyey Madaxweynuhu in ay sii dardar-geliyaan shaqooyinkaasi  si uu shacabka Puntland ugu sii noolaado nabad-gelyo iyo dawladnimo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale saraakiishaan ku maray in ay si dhab ah ula shaqayeena maamullada Degmooyinka iyo gobollada ay ka hawl galaan si loo xaqiijiyo bixinta  canshuuraha  iyo hirgelinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, isla markaana ay  tallaabo sharci ah ka qaadaan  cid walba oo ay kala kulmaan musuq-maasuq iyo wax isdabo marin.

Ugu dambayn Madaxweynaha Puntland ayaa  bogaadiyey hawl-gallada lagu xaqiijinayo  nabad-gelyada ee ay ciidamada PSF iyo kuwa DANAB oo iskaashanaya ay ka wadaan magaalada Gaalkacyo isla markaana ay kusoo qabteen shaqsiyaad ka mid ah Al-shabaab.

G2 G1 G3

—DHAMMAAD—