U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Puntland Oo Maanta Xilkaasi Lagu Wareejiyey

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare Puntland Yuusuf Xaaji Nuur ayaa maanta xilkaasi si rasmi ah ugala wareegay guddoomiyahii hore Cabdilqaadir Shiikh Maxamuud kadib munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland  Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta  xarunta Maxakamadda Sare ee Puntland kaga qayb galay munaasabaddan ay xilalkan kula kala wareegayeen mas’uuliyiintan.

Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda dawladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac, guddoomiyiha Maxakamadda Sare Yuusuf Xaaji Nuur, guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Cabdilqaadir Shiikh Maxamuud, guddoomiye kuxigeenka maxakamadda Sare iyo dhammaan xubnaha Maxkamadda sare ay ka kooban tahay.

Guddoomihii hore ee Maxakamadda sare ayaa ka sheekeeyey horumarrada ay samaysay Maxkamaddu muddadii uu xilka hayey gaar ahaan tababarada qaadiyada, tayaynta iyo qalabaynta xafiisyada iyo gaadiidka ay heshay maxkamaddu si ay hawleheeda u gudato, sidoo kale waxa uu ka warramay caqabadaha la soo gudboonaadey muddadii ay shaqada hayeen.

Guddoomiyaha Cusub ee maanta xilka la wareegey Yuusuf Xaaji Nuur ayaa xusay in uu hore Maxkamaddaan uga soo shaqeeyey islamarkaana uu fahamsan yahay horumarrada uu samayn karo iyo caqabadaha ka hor imaan kara, balse waxaa uu ka codsaday mamaulka in uusi buuxda ula shaqeeyo Maxkamadda Sare si habsami u socodka shaqu uu dar-dar u yeesho, waxaana uu ballan qaaday in uu meel wanaagsan gaarsiin doono Maxkamadda Sare ee Puntland.

Dhinaca kale Ku simaha Madaxweynaha Injineer Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa ku ammaanay guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare dedaalka uu muujiyey muddadii uu shaqada hayey, waxaana uu guddoomiyaha cusub kula dar-daarmay in uu u caddaalad sameeyo ummadda kana dhabeeyo masuuliyadda uu qaaday.

Ugu dambayn, Camey ayaa munaasabadda xil-wareejinta ka sheegay in ay xukuumaddu si buuxda ula shaqayn doonto Maxkamadda Sare, wax walba oo dhinaca xukuumadda kaga xirmana ay xukuumaddu fududayn doonto balse looga baahan yahay in Maxkamaddu ay marwalba caddaaladda ku taagnaato.

Goobjoog News