U bood dhigaalka

Bangiyada Gaarka ah Oo Mushaar Laga Siinayo Shaqaalaha Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Shaqaalaha Dowladda qaarkood oo markii hore mushaarka ka doonan jiray Bank-ga Dhexe ayaa hadda loo wareejiyay bangiyada gaarka loo leeyahay si ay uga doontaan mushaarkooda.

Taasi waxa ay timid kadib markii caqabado iyo culeesyo ay ka yimadeen habka musharaaka shaqaalaha Dowladda ay ku qaadan jireen oo ahayd in bank-iga dhexe ee Soomaaliya oo ay safaf dhaadheer u geli jireen sida uu u sheegay  Goobjoog News Agaasimaha waaxda shaqada ee wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya Cabdirsaaq Maxamed Cali oo arrintan aan wax ka weydiinnay.

“Waxaan meello badan ka eegnay culeysyada jira taasi ayaa nagu qaadday inaan warqad qorno dalbanana inaan helno qaab ka duwan bank-iga dhexe oo culeys noqotay inay shaqaalaha mushaarka u doontaan isagoo hal xafiis kaliya ah waa taa sababta aynu hadda mushaaradka qaar ay akoona bangiyada gaarka ah shaqaalaha uga sameysteen waxayna hadda si wanaagsan u helaan mushaaraadkooda “sidaa waxaa yiri agaasime C/risaaq.

Mr. Cabdirisaaq  ayaa sidoo kale u sheegay Goobjoog News inay jiraan habab kale oo ay Shaqaalaha dowladda ku helaan mushaarka.

“Waxaa jirta in shaqaalaha qaar ay mushaarka siyaan lataliyaal sar sare iyo kuwa ay wasaaradaha ay ka tirsan yihin ay usoo qaadaan  nucyadaas kale ayaa jira oo iyadana ah mid ka duwan kuwa kale ee Bankiga dhexe iyo kuwa gaarka ka qaata”

Haddaba sharci ahaan arrintan iyo waxa ay keeneyso in Bankiga gaarka  loo leeyahay shaqaalaha Dowladda lagu siiyo  Mushaaraadka waxaan weydiinay Cabdi  Cali oo jamaacadda Hargeysa dhaqaalaha ka baratay .

“Waxaa ii muuqaneysa in Dowladda aysan u diyaarsaneyn inay maareyso mushaarka taasina ay hadda ku doorbiday inay hay’ado ka madax bannaan dowladda ay bixiyaan gacanta ay ku hayaan mushaarka shaqaalaha Banka dhexe waxaa ay tani shaqadiisa maaha inay bank gaar loo leeyahay shaqaalaha dowladda ama qasnad ay u noqoto Dowladda waynu la soconnaa hal xafiis weeyaan banka dhexe mana maareyn karo lacagta qasnadda ku soo dhacda” ayuu  yiri Cabdi Cali.

Sidoo kale mid ka mid ah shaqaalaha dowladda ayaa sheegay inay habkan ay tahay mid ka wanaagsan qabkii hore mushaarkana ay ku helaan si fudud

“Waa sax waxaa jirta inaan hadda sameysannay Akoonnada bangiyada gaarka ah mushaarka ayaan ku qaadannaa markii hore waxaan tagi jirnay bangiga dhexe oo dhib badan kala kulmi jirnay”

Shaqaalaha dowladda ayaa  safaf dhaadheer u geli jiray Bangiga dhexe marka ay mushaarka qaadanayaan waana halka xafiis ee kaliya ee Muqdisho ku yaalla bankiga dhexe madax iyo shaqaalaha kala duwan oo dowladda ay dhib badan u gala inay helaan mushaarka hasayeeshee in badan oo shaqaalaha ka mid ah ayaa u arka inay culeyskaas ka gudbeen.

W/D: C/wahaab Maxamed Ibraahim

Goobjoog News