U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Baaqay In Puntland Iyo Galmudug u Midoobaan Xaqiijinta Amniga Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Waxgaradka gobalka Mudug ee Galmudug ayaa soo jeediyay in laga wada shaqeeyo ammaanka gobalka iyo kan magaalada Gaalkacyo kadib qaraxyo khasaare badan dhaliyay oo dhowaan ka dhacay dhanka waqooyi ee magaaladaasi.

Nabadoon Cali Diiriye Alloore oo kamid ah waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dhowr jeer ka waxgarad ahaan ay soo jeediyeen in ay midoobaan Labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Waxa uu sheegay in ay ka xun yihiin wixii ka dhacay magaalada Gaalkacyo islamarkaana ay u tacsiyeynayaan ehallada dadkii halkaa wax ku noqday.

“Ma jirto baaris iyo dabagalid guud oo ammaanka lagu hagaajinayo oo ka socota magaalada Gaalkacyo, sababtoo ah  subax walba waxaa Gaalkacyo yimaada baabuur iyo dad safar ah oo ka kala yimid Koonfur, Waqooyi iyo Itoobiya dadkana lama wada yaqaan sidaas darteed way adag tahay in la helo ammaan, midda kale dad baa ka ceytamayey meelaha oo maqlayay Nabadda annagaa rabna qof cadow nabadda ku ahna ma doonayno” ayuu yiri nabadoonka.

Nabadoon Cali Diiriye ayaa ku baaqay in maamullada Galmudug iyo Puntland iyo guud ahaan shacabweynaha Gaalkacyo ay ka wada shaqeeyaan ammaanka.

Waxa uu ugu dambeyn sheegay in ay muhiim tahay in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa falalka amni wax u dhimaya ee magaalada Gaalkacyo waqooyigeeda kusoo kordhayey bilihii la soo dhaafay.

Goobjoog News