U bood dhigaalka

Xildhibaan Ugu Baaqay Madaxda Dowladda In Dib Loogu Laabto Habka Loo Soo Xulayo Xildhibaannada Cusub

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo ka tirsan Baarlamaanka federaalka ayaa ka hadlay habka  xulista cusub ee aqalka hoose iyo aqalka sare oo dhismahooda lagu howlan yahay.

Xildhibaanka oo si gaar ah ula hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in caqabado ay soo ifbaxeen kuwaas oo ay kamid yihiin in siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada doonaya inay musharrax u noqdaan aqalka hoose ama aqalka sare in lagu xujeeyay dhaqaale.

Wuxuu sheegay xildhibaanku in ay la qaldan tahay qaadista lacagtaas islamarkaana madaxda dowladda federaalka looga baahan yahay in lacagtaas la joojiyo ama wax laga dhimo.

“Lacagta way badan tahay waxaana suurtagal ah in ay caqabad ku noqoto dadka aqoonta leh ee doonaya inay baarlamaanka cusub soo galaan” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in dhibaatooyinka jira ay kamid yihiin in degaannada weli ka  maqan gacanta dowladda sida xildhibaannadii matali lahaa ay u imaan lahaayeen.

Goobjoog News