U bood dhigaalka

Digniin Loo Diray Ragga Ku Labisan Dareeska Ciidanka Ee Dhaca u Geysta Shacabka B/weyne

Sheeko:Dalka

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee 21-aad Maxamed C/qaadir Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in maxkamadda ay tallaab adag ka qaadi doonto ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya ee xilliyada qaar dhibaatooyinka u geysta bulshada rayidka ah ee ku sugan xaafadaha ay ka kooban tahay B/weyne gaar ahaan habeennada oo ciidan ka tirsan dowladda lagu eedeeyo inay dhacaan taleefannada gacanta ah.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in arrinkaasi ay kala hadleen saraakiisha ciidamada ayna ballan qaadeen sidii looga feejignaan lahaa in waxyeello loo geysto bulshada rayidka ah.

“Shacabka dhibaato wey haysatay, wey jiraan dad ku labisan dareeska ciidanka oo habeenkii dhibaateeya shacabka, kana dhaca taleefannada gacanta, waxaan kala hadalnay hoggaanka ciidanka haddii ay ahaan lahaayeen Booliis, Nabad sugid iyo Milatari intaba, waxaan  rajeynaynaa in Todobaadyada soo socda aanay ka dhicin dhibaato loo geysto shacabka, askariga aan arrintaais ku helnaa waxaa naga go’an haddii aynu nahay maxkamadda ciidamada qalabka sida inaan ciqaab adag marsiinno” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Waxaa jira rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda oo xilliyada habeenkii dhac u geysta dadka shacabka ah kuwaasi oo ka qaata taleefannada gacanta ah.

Goobjoog News