U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Qaraxyadii Gaalkacyo ku Tilmaamay Kuwo Cadawtooyo ah

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegay in Qaraxyadii magaalada lala beegsaday ay ahaayeen kuwo cadawtooyo ah oo biniaadamnimada ka baxsan.

Guddoomiyaha iyo wafti ballaaran oo uu hoggaamiyay ayaa waxaa magaalada kusoo dhaweeyay wasiirro , xildhibaanno ku sugnaa magaalada iyo maamulka iyagoo si wadajir ah u soo kormeeray goobihii ay dhibaatadu ka dhacaday iyo khasaaraha hantiyeed ee goobta soo gaaray inta uu gaarsiisan yahay.

Guddoomiyaha ayaa warbaahinta uga warbixiyay safarkiisa uu ku tagay magaalada Gaalkacyo:

“Halkani waa halkii ay ka dhacay dhibaatadii lama illaawaanka ahayd ee xaruunka badneyd ee loo geystay shacabka Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, oo aan maleynayo iney arrintaasi tahay mid cadaawad ah Soomaalinimada ka baxsan, diinta ka baxsan Biniaadamnimada ka baxsan wax kasta ka baxsan, dadkii inta ku dhimatay waxaan Illaahay uga baryayaa inuu Janadii ka waraabiyo intii ku dhaawacan tayna Illaahay caafimaad ha siiyo, intii dhibi ka gaadhay dhul iyo degaan dhibaatada intaa le’eg ee aan u jeedno in iyadana illaahay waafajiyo iney degdeg uga kabtaan”, ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku soo koobay.

Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacayo 21 bishan ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 35 qof, halka ay ku dhaawacmeen 50 kale, waana sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Isbitaalka Gaalkacyo.

Goobjoog News