U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada: Waan Joojinnay Diiwaangelinta Jaamacadaha Cusub

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay midoobeen Jamaacadaha ku yaalla dalka kadib markii ay hoos u dhacday heerkii tacliinta sare ee Jaamacaduhu lahaayeen.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo wareysi gaar ah siinayey Goobjoog News ayaa sheegay in dowladdu ay joojisay diiwaangelinta jaamacadaha cusub.

Waxa uu tilmaamay in Jaamacaduhu noqdeen kuwa tayo la’aan ah kadib markii ay soo baxday dad aan wax baran oo haddana shahaadooyin Jaamacadeed qaatay.

“Jaamacadaha maanta waa ay midoobeen sida shirweynaha ka soo baxday, macallimiinta jaamacadaha dhigayana ay aqoontoodu sarreyso si dhowr sano kadib aan u aragno tayada Jaamacadaha” ayuu yiri agaasimaha.

Dhanka kale,  wuxuu sheegay in Jaamacadaha iyo ardayda dugsiyada sare ka soo baxay ay isku dheelitirnayn sidaa darteedna wasaaraddu ay u joojisay diiwaangelinta jaamacadaha cusub.

“Waxaan joojinay diiwaangelinta jaamacadaha cusub sababtoo ah Jaamacadaha ayaa ka badan ardayda dugsiyada sare ka soo qallin jabisay, taasna waxay keenaysaa in arday aan dugsi sare ka soo bixin ay qaataan Shahaadooyin sida aan warka ku heyno, Jaamacaduhuna haddii ay ardayda ku yar yihiin way midoobi karaan oo hal magac ayay qaadanayaan” ayuu yiri Ismaaciil Yuusuf.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa ku baaqay in laga qeyb qaato tayeynta waxbarashada islamarkaana ay soo dhoweynayaan cid kasta oo ka qeyb qaadan karto horumarinta arrimaha waxbarashada oo albaabka wasaaraddu uu u furan yahay.

Ugu dambeyn, dhowaan ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shirweyne ay yeesheen masuuliyiinta Jaamacadaha iyo wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka.

Goobjoog News