U bood dhigaalka

Biyo La’aaan Ka Jirta Deegaanka Ceelhuur Ee Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Biyo la’aaan baaahsan islamarkaana saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Ceelhuur ee gobolka Mudug iyo deegaannada ku dhow dhow deegaankaasi.

Wararku waxay sheegayaan in ay gureen ceel gacmeedyadii ay dadku biyaha ka cabi jireen, islaamarkaana sababta arrintaasi ayaa lagu sheegay roob muddooyinkaan ka da’in deegaankaasi.

Bulshada ku dhaqan deegaanka Ceelhuur ayaa isaga barakacaya halkaasi maadaama ay waayeen biyahii sida uu sheegay Xasan Cali Axmed oo ka mid ah waxgaradka deegaankaasi.

“Dadka meesha intaas oo qarni ayuu deganaa, Hal mar lama guuri karo laakiinse qofba sida ay ka badin weyday ayeey yeeshay, qof guuray, qof 20 Litir Biyo meelaha inta ka keentay ilamaha siineyso, biyahaasi caafimaad ahaan ma wanaagsan, midab ahaan wey beddalanyihiin” ayuu yiri Nabadoon Xasan Cali.

Ugu Dambeyn Nabadoonka ayaa ku baaqay in shacabkaan si degdeg ah biyo loola soo gaaro, wuxuuna sheegay in haddii aanu dadkaan si degdeg ah biyo ku helin ay macquul tahay in xaaladda ay sida ay hadda tahay kasii darto.

Goobjoog News