U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay gobolka Gedo, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Ciidamada dowladda ayaa weerar ku qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo ku sugnaa deegaanka Suriyo oo qiyaastii 18 km u jira degmada Buurdhuubo.

Inta la xaqiijiyey 3 qof oo dhinacyadii dagaallamay ayaa halkaasi ku dhintay, iyadoon 6 kale ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka ayaa sheegay in weerarkaan ay qaadeen  kadib markii ay maqleen in Al-shabaab ay deegaankaasi dadka ku nool ka qaadayeen xoolo Sako lagu sheegay.

Xaaladda deegaankii lagu dagaallamay weli waa ay kacsan tahay, iyadoo shacabka halkaasi ku nool intooda badan ay deegaankaasi ka barakaceen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News