U bood dhigaalka

Maamulka Gaalkacyo Ee Puntland Oo Ka Digey Colaad Laga Dhex Abuuro Shacabka Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa ka digey in colaad laga dhex abuuro shacabka guud ee ku nool magaaladaasi.

Guddoomiyaha Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay jiraan darwallo gaadiid oo billaabay in magaalada dhexdeeda war been ah ku faafiyaan si shacabka loo barakiciyo.

Waxa uu tilmaamay in magaalada lagu faafiyey warar ah in lagu dhex dagaallami rabo kadib markii Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ku dagaallameen duleedka Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in dagaalladaasi la xallinayo islaamrkaana aan waxbo ka jirin in magaalada lagu dhex dagaallami rabo.

Gaadiidleyda ayuu sheegay in ay tallaab adag ka qaadi doonaan haddii la arko iyaga oo shacabk ka raraya magaalada maadaama amnigu yahay mid caadi ah.

“Gaadiidley hunguri raadis ah ayaa shacabkii been u sheegaya, waxay leeyihiin waa la dagaallami rabaa ee magaalada ka carara, gaariga aan ku qabanno Koontaroolka isaga oo dad qixinaya waxaan dul dhigi doonnaa lacag ganaax iyo xarig intaba” ayuu yiri gudoomiyaha Gaalkacyo ee Puntland.

Shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa ka baqay in mar kale dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ka dhacdo magaaladaasi kadib markii saakay Maleeshiyaadkan ku dagaallameen dhul ku yaalla duleedka magaaladaasi.

Goobjoog News