U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Japan Kala Hadli Doonta Maalgelin Toos Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi wasiirro ah uu ku jiro wasiirka arrimaha dibadda ayaa maanta ka qeybgalaya shirka Japan iyo Afrika uga furmaya magaalada Nairobi.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalam Hadliye oo shirka TICAD ka qeybgalaya ayaa sheegay in Japan ay si dadban u taageerto arrimaha Soomaaliya iyaddoo taageerada  Soomaaliya marsiiso hey’adaha qaramada midoobey, wasiirka waxaa uu  intaa raaciyay in shirkan ay tahay fursad ay ku codsadaan maalgelin toos ah oo Japan ay ku sameyso dalka Soomaaliya.

Japan waxaa uu labadii sano ee ugu dambeysay Soomaaliya ka taageeray arrimo badan sida: taageero uu siiyo dowladda federaalka ah, waxaa uu gacan ka geystay qaxootigii ka soo laabtay dalka Yemen, waxaa kaloo ay ka jawaabeen dhibaatadii El Nino, Ambalaasyo ay geeyeen Somaliland iyo ballaarinta Iskuulka Bursar ee hoose/dhexe.

Shirkan waxaa wada martigelin doona Xukuumadda Japan, Bangiga Adduunka, qaramada midoobey, midowga Afrika, waxaana looga hadli doonaa siyaasado badan oo qaaradda quseeya.

Shirka TICAD  oo labo maalin socon doona waxaa ka soo qeybgalaya 10,000 oo qof oo ay ku jiraan in ka badan 37 hogaamiye Afrikaan, waa markii lixaad oo shirkan  TICAD la qabto tan iyo markii la bilaabay 1993-dii, waana markii ugu horeysay uu Afrika ka dhaco, Soomaaliyana waa  ay ka qeybgashay shirarkii noocaan ahaa ee ugu dambeeyay.

Bishii May 2013-kii, Dalka Japan waxaa ka dhacay shir gaar ah oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya, shirkan waxaa wada guddoominayey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’isul wasaare Shinzo Abe, waxaa kaloo goobta fadhiyay madaxweynayaasha  Djabuti, Tanzania, South Sudan, Algeria, madaxweyne ku xigeenka Kenya, Ra’isul wasaarayaasha  Ethiopia iyo Egypt iyo madax kale oo ka socotay dalalka Brundi, Libya, Siera-leone, Uganda, USA, UK, Australia, Italy, South Africa, IGAD iyo WFP.

Shirkaas waxaa uu ra’isul wasaare Shinzo Abe sheegay in dalkiisa uu bilaabi doono xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah oo labo dalka, wixii xilligaas ka dambeeyay wax horumar ah lama qaadin xiriirka labad dal, waxaa hadaba isweydiin leh, waxa shirkan ka soo bixi doona iyo in Japan uu bilaabi doono xiriir iyo maalgelin toos ah iyo in kale. 

Xiriirka Soomaaliya iyo Japan:

Dalka Japan waxaa uu Soomaaliya aqoonsaday July 1960-kii, Laakin waxaa ay Soomaliya safaarad ka furatay dalkaas 22 sano kadib oo Bishii Ocotober 1982-dii ayey Soomaaliya safaarad ka furatay Tokyo.

Xilligan la joogo ma jiro maalgelin toos ah oo dalka Japan ay ka wadaan Soomaaliya, laakin waxaa jirta ganacsato Soomaali ah oo halkaas badeecooyin ka doonta iyagana alaab geeyay, tusaale ahaan 2008-dii, waxaa uu ahaa ilaa  295 million yen oo laga soo iibsaday iyo 12 million yen oo dalkaas la geeyay.

Dhinaca deymaha waxaa la sheegayaa in 6.47 billion yen ay gaareyso, halka deeqaha ay gaarayaan ilaa 33.308 billion yen.

1993-dii, waxaa dalkeena soo booqday ninka Parliamentary Vice Ministeriga ka ah dalka Japan,  Mr. Koji Kakizawa halka madax badan oo Soomaali ah ay dalkaasi booqdeen sida: Madaxweyne Xasan Sheekh oo labo mar booqday 2013/2014-kii, waxaa kaloo dalka Japan booqasho ku tagay wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Goobjoog News