U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay halkaasi ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidamadan ayaa si gaar ah waxay howlgalkaan uga wadaan deegaanno ku dhow degmada Buurdhuubo ee Gedo halkaasi oo shalay lagu dagaallamay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka howlgalkaan wada ayaa waxay sheegeen  inay baadigoobayaan rag katirsan Al-shabaab oo shalay ka qeybqaatay dagaalladii ka dhacay deegaanno 18-km u jira degmada Buurdhuubo.

Lama sheegin cid howlgalkaan lagu soo qabtay inkastoo ay aad u deggan tahay xaaladda guud ee deegaannadii shalay dagaalladu ka dhaceen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News