U bood dhigaalka

Gaari Ka Baxay Gudaha Soomaaliya Oo Qarax Lagula Eegtay Kenya

Sheeko:Dalka

Hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib qarax lala eegtay gaari waday qof xanuunsan, kaasi oo kusii jeeday degmada Lamu ee dalka Kenya.

Waxaa la sheegay in qofka bukaanka ah ee gaariga uu waday laga qaaday gudaha Soomaaliya, hase ahaatee gaariga uu ku istaagay Miino ku aasneyd wadada dhinaceeda.

Saraakiisha ciidanka Kenya ayaa sheegay in mar qura laga war helay dhawaqa qaraxan, islamarkaana markii gurmad la sameeyay halkaasi laga soo badbaadiyey qofkii dhaawaca ahaa.

James ole Serian oo ah madaxa howlgallada keynta Boni oo  la hadlay warbaahinta ayaa qaraxaan ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Xarakada Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay taliyaha in ciidamada Kenya ay halkaasi ka billaabeen howlgallo lagu baadigoobayo Xarakada Al-shabaab.

Ciidanka ammaanka ayaa maqlay arrintan kadibna goobta ayeey tageen, Miinadan waxaa lala damacsanaa ciidanka ammaanka Kenya oo saacado kahopr goobta ka sameeyay howlgal, waxaan xaqiijinayaa in dhimasha Hal qof ay tahay mid kalena dhaawac yahay, gaarigana mid shacab ah ayuu ahaa” ayuu yiri Taliyaha.

Xarakada Al-shabaab ayaa weeraro ka geysta deegaanno dhowr ah oo ka tirsan dalka Kenya, waxaana marar badan sidan oo kale gudaha Kenya uga dhacay qaraxyo.

Goobjoog News