U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Horumarka Ay Afrika Hiigsaneyso Waxaa Daba Socda Caqabado Amni”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka 6-aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlaye muhimadda iskaashiga Afrika iyo Japan oo uu sheegay inuu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, gaar ahaan qaaradda Afrika oo si wanaagsan uga manafacaadi karta kheyraadkeeda.

“Qaaradda Afrika waxay cagta saartey waddada horumarka, kheyraadka ku jirana haddii si wanaagsan looga faa’ideysto waxaa hubaal ah in nolosha dadyowgeena ay wax badan ka beddeli karto. Soomaaliya waa dal ka soo kabanayaa colaado sokeeye oo muddo dheer soo socday, haddana waxay ka mid tahay waddamada sida dhow uga faa’ideysanaya iskaashiga TICAD. Shirkan kii ka horeeyay ee Tokyo lagu qabtey 2013-kii, waxaa barbar socday kulan gaar ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayey, taasina waxay muujineysaa muhimadda ay TICAD inoo leedahay’’.

Madaxweynaha waxaa u sheegay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

“Horumarka ay Afrika hiigsaneyso waxaa daba socda caqabado amni, gaar ahaan khatarta argagixisada oo u baahan si caalami ah loo wajaho. Dalkeena Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika khatar ayay ku yihiin argagixisada, balse nasiiba wanaag waddamada deriska nala ah ayaa waxaan qaadaney mowqif mid ah oo lagula dirirarayo argagixisada. Waxaan filayaa iyo gobollada kale ee Afrika ay ku deydaan iskaashiga Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada, loogana sii gudbo heer caalami ah oo khatartaasi lagu hakiyo’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shir Madaxeedka TICAD ugu baaqey in la dardar geliyo hirgelinta suuqyada xorta ah iyo ganacsiga furfuran, si wax looga beddelo nolosha malaayiin qof oo Afrika ku nool.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha ka hadley marxalada siyaasadda ee Soomaaliya oo uu sheegay in horumarka iyo guulaha la gaarey ay daliil u tahay doorashada dhaceysa dhowaan ee waddanku ku soo dooranayo hoggaankiisa iyo goleyaashii matali lahaa.

Shir Madaxeedka TICAD oo shalay ka furmey Nairobi ayaa socon doono muddo Labo maalin ah, waxaana diiradda ay saarayaan madaxda ka qeybgaleysa kobinta maalgashiga, abuurista fursadaha ganacsiga ee dadyowga ku jira TICAD, kaabeyaasha dhaqaalaha, dalxiiska iyo adeegyada aasaasiga ee dadku u baahan yihiin.

Waa markii ugu horeysay ee shirkan lagu qabto qaaradda Afrika, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo lagu heshiiyey in shir madaxeedka TICAD martigelintiisa ay si kaltan ah uga kala dhacdo Afrika iyo Japan.

—————————-DHAMMAAD—————————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya