U bood dhigaalka

Somaliland: Guddiga Maamul Wanaagga iyo La Dagaallanka Musuqmaasuqa oo Kormeerayaal u Diraya Gobollada Maamulka

Sheeko:Dalka

Guddiga  maamul wanaagga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ayaa ka hadlay labo kooxood oo ay u kala direen gobollada maamulka, kuwaasi oo warbixinno kasoo sameyn doona habsami u socdka shaqo ee hay’adaha cadaaladda.

Agaasimaha guud ee guddiga Maxamed Sheekh Cumar Xasan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sharaxaad ka bixiyaya howsha kooxaha kormeerka ee la dirayo:

“Runtii u jeedadu waxa weeyaan ujeeddo ay ku gudanayaan waajibaadkooda kumishinku uu hayo ee la dagaalanka musuqmaasuqa, sidaad aragtaan kooxo diyaar ah ayaa jira oo u diyaarsan maanta iney baxaan, waxay u baxayaan howgallo kormeer, u kuurgelid iyo cilmi baaris ah oo ay doonayaan in ay ku eegaan habka ay u wadaan garsoorku shaqada ay bulshada, iyagoo ilaalinaya madaxbanaanida garsoorka, midda labaadna waa iney u baxaan oo ay soo eegaan Jeelasha, dadbadan ayaa sidii loo toosin lahaa loo xareeyay, xuquuqda ay leeyihiin iyo qaabka loola dhaqmayo sida ay tahay baan dooneynaa inaan u kuurgalno”.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in labada kooxood loo kala qaybiyay gobollada maamulka ee Lixda Gobol:

“Qeybta koowaad ee u baxaysa dhinaca bariga gobollada Saaxil, Togdheer, Sarar iyo Sool waxaan jecelnahay maanta iney baxaan, si ay howlahaa usoo qabtaan. Waxaa ka dambeyn doona barri ama saadambe ka bixi doona halkan koox kale oo ka kooban Shan qof oo saraakiil sarsare oo aqoonyahanno ah oo u bixi doona gobollada kale Galbeedka, sida Gabilay, Awdal, iyo gobolka Howd”.

Agaasimaha waxa uu sheegay in muddooyinkii dambe ay cadaaladda Somaliland horumar ballaaran ku tallaabsaneysay, waxaan doonaynaa, ayuu yiri, in is bedelkaas si cilmiyaysan aan uga soo warbixinno, kadibna waxaan warbixinteenna u gudbin doonaa madaxweyne Siilaanyo iyo cidda kale ee ay khuseyso, ayuu hadalkiisa kusoo afjaray agaasimihu.

Guddigan maamul wanaagga iyo la dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa ah mid madaxbanaan, waxa uu qabtaa guddigani dersidda iyo qiimeynta nidaamka maamul ee Hay’adaha dowladda iyo ka soo talo bixinta toosintooda iyo ku wacyi gelinta nidaamka toosan ee hay’adaha dowladda.

Goobjoog News