U bood dhigaalka

Waxgarad Ka Digey Dagaallo Mar Kale Ka Dhaca Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Waxaa isa soo taraya dadka ku baaqaya in laga digtoonaado colaado iyo dagaal beeleed ka billowda magaalada Gaalkacyo iyo degaannada kale ee gobalka Mudug.

Waxaa maalintii Labaad isku horfadhiya dhanka galbeed ee magaalada Gaalkacyo maleeshiyo beeleed ku murunsan dhul halkaas ku yaalla iyadoo arrintaasi  arrintaasi ay baqdin gelisay shacabka ku dhaqan Gaalkacyo.

Nabadoon Cabdiweli Aw Yuusuf Xaarin oo kamid ah waxgaradka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in hadda xaaladdu ay tahay mid deggan oo aysan jirin wax xiisad ah oo halkaa ka taagan.

Waxa uu sheegay isagoo wareysi siinayey Goobjoog News in loo baahan yahay nabad iyo xasilooni si dhibaatada looga magangalo.

“Waxaan baaq u dirayaa dadka deggan Gaalkacyo oo Labada dhinac ah oo aan ku kala guureyn magaaladan, waxaan leeyahay Ganacsatada, Waxgaradka, aqoonyahanka in ay ka shaqeeyaan nabadda oo ay ka tagaan taariikh fiican” ayuu yiri Nabadoon Cabdiweli Xaarin.

Nabadoonka ayaa sheegay in ururrada bulshada ay kulanto oo laga wada hadlo nabadda iyo mustaqbalka gobalka Mudug oo isugu u kala qeybsan maamullada deriska ah ee Galmudug iyo Puntland.

Dhanka kale, Nabadoonka oo aan wax ka weydiinay sida uu u arko qaraxyadii todobo maalin kahor ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxa uu yiri:

“Hay’adaha ammaanku wax aan dhaho ma garanayo sababtoo ah wax ay kordhinayaan ma jirto” ayuu yiri Nabadoon Cabdiweli Aw Yuusuf.

Ugu dambeyn dadka shacabka ah ayuu u jeediyay inay ka shaqeeyaan wada noolaanshiyaha iyo nabadda isagoo tilmaamay in shacabku ay u bisil yihiin nabadda hase yeeshee siyaasiyiin dano gaar ah wata ay kala goynayaan.

Goobjoog News