U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka: Ciidanka Danab Waxaa Loo Tababaray Beegsiga Caddowga

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Axmed ayaa sheegay in ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran loogu talo gaalay in si gaar ah u fuliyaan howlgallada lagula dagaallamayo Al-shabaab.

Ciidamadan ayuu sheegay inay leeyihiin tababar xooggan, islamarkaana ay yihiin kuwii dalka ka difaaci lahaa Al-shabaab.

“Cadowga aan la dagaallameyno ee ina soo wajhay darteed aad baa loogu baahan yahay ciidankaan, guud ahaan waa ciidan loo baahan yahay, adduunka ciidankaan oo kale wuu leeyahay, wuxuu fuliyana waxa weeye falalka gaarka ah oo isaga mooyee cid kale aanay fulin karin, umadda Soomaaliyeed waxaad u hureysaan dhiigiina iyo naftiina marka abaal markaa umadda Soomaaaliyeed ka sokow ilaah agtiisa baad ku leedihiin” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa hadalkaan ka sheegay mar shalay tababar magaalada Muqdisho loogu soo xiray ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka, gaar ahaaan ciidanka gaarka u tababaran ee Danab.

Ciidamada Danab ayaaa fuliya howlgallada gaarka ah ee ka dhanka ah Al-shabaab, waxayna ka howlgalaan guud ahaan dalka.

Goobjoog News