U bood dhigaalka

Saameynta Ganacsiga Ku Yeeshay Xiritaanka Waddooyinka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa si teelteel ah u shaqeynaya goobihii ganacsiga ee ku yaalay hareeraha waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.

Muuqaal ahaan marka aad eegto wadada Makka Almukarrama oo ka mid ah waddooyinka sida aadka ah ay ugu badan yihiin ganacsiyada ayaa indhahaagu waxa ay qabanayaan goobihii  ganacsiga ee halkaasi ka jiray oo qaarkood  shaqaynaya qaarka kalena irdaha loo xiray maadaama aysan jirin wax kala iibsasho dhaxmareysa ganacstada iyo dadka shacabka ah.

Arrintani ayaa loo sababeynayaa xirnaashiyaha waddooyinka Muqdisho qaarkood oo u xiran ciidamada dowladda federaalka.

Xirnaanshiyaha qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho ee galay maalinkii labaad ayaa meelaha ugu badan ee saameynta adag ay ku yeelatay waxaa ka mid ah ganacsiga maqaayadaha laga cunteeyo ee ku yaalla hareeraha waddooyinka xiran.

Mid ka mid ah dadka maqaayadaha  ku leh  wadada Maka Almukarrama oo ay Goobjoog News kula hadashay goobtiisa ganacsiga  ayaa sheegay in xilligii hore oo ay furneyd wadada maalin waliba in uu Karin jiray 50 Kiilo oo bariis ah hase yeeshee hadda taasi badalkeeda uu kariyo 5 kiilo  arrintaasi oo caqabad ku noqtay shaqada ganacsigiisa.

Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay si degdeg ah  u furto waddooyinka Muqdisho si shaqada ganacsi ay ugu laabato sidii ay ahayd.

Waxaa sidoo kale meelaha xirnaanshiyaha ay saameeyeen waxaa ka mid ah xarumaha shirkadaha duulimaadka ku leeyihiin laamiyada xiran ee Muqdisho.

Mar qaar ka shaqeeya aynu la hadalnay waxay inoo sheegeen in arrinta culeyska lihi ay tahay in dadku aynaan gaari Karin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo waddooyinkii loo marayay ay gebi ahaanba xiran yihiin.

Waxay kaloo sheegeen in shaqadoodii ay hakad gelisay oo hadda aysan jirin cid duulimaad doonaysa oo u timaada.

Xirnaanshiyaha waddooyinka magaalada Muqdisho maalintii labaad oo u xiran ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya waxay saameyn adag ku yeelatay ganacsigii ka jiray meelo kale duwan oo magaaladan Muqdisho ka mid ah.

Goobjoog News