U bood dhigaalka

Tirada Madaxyada nuclear-Ka Isra’il Oo La Shaaciyay

Tirada nuclear-ka ee Isra’il ayaa sheegay in ay dhan tahay ilaa 200 oo madax, arrintaas oo dhacday markii ugu horeysay taariikhda.

Arrintan ayaa timid kadib markii la jabsaday  Emaill-ka Colin Powell oo horay dalka Mareykanka ugu soo noqday wasiirka arrimaha dibadda.

Tiradan waa markii ugu horeysay  ee qof magac leh gaar ahaan Mareykanka ay sheegaan, inkasta oo dad ilaaliya, lana socda Isra’il ay sheegaan in dalkaas uu heyto ilaa 400 oo Madax, tiradan oo aad u badan.

Sheekada Emailka la helay, waxaa uu ku socday nin ay Colin Powell saxiibo yihiin oo lagu magacaabo Jeffrey Leeds, kana tirsan madaxda xisbiga Dimoqoraadiga.

Quwadaha Waaweyn (Super Power):

Quwadda weyn waa dowlad ama Umadd leh awood fulin Xagga Dhaqaalaha iyo Militariga

  1. Mareykanka:

Waa quwad Caalami ah, Awood ha dhinac ah kadib markii ay guulaysatay dagaalkii Qaboobaa.sidoo kale waa dal leh Culumo iyo Xarumo cilmibaaris kuwa ugu fiican caalamka, Tiknoolojiyadda….iyo horumar aduun oo dhan

  1. Shiinaha:

Waa Quwad wadada saxan ku taagan, Tiro iyo Tayo, waxaan u saadaalinayaa in Shiinaha noqondoono Quwadda Koobaad, Waxaan ugu Magac daray Shiinaha Imbaraadooriyadda ama Quwadda hurudda waayo waxay leedahay dad, quwad dhaqaale iyo mid ciidan halka Ruushka uu booska kasii baxaya uu leeyahay oo kaliyah quwad Military.

  1. Ruushka:

Waa quwad weyn dhanka Tamarta iyo Hubka. Waxaa uu ka mid ahaa Labadaba quwad ee dunida ugu weyn balse waa shiiqay kadib markii looga adkaaday dagaalkii qaboobaa.

  1. France:

Charles de Gaul (22 November 1890-9 November 1970) oo talada hayey mudadii u dhaxaysay 18-Jun 1940-3 July 1944-tii ayaa yidhi” Yurub waa inta u dhaxeysa Min Badda Atlantic ilaa Buuraha Oral”.

Quwadahan waxaa ugu muhiimsan Mareykanka oo leh quwad dhaqaale iyo mid hub , waxaa xiga Ruushka oo leh quwad hub iyo Shiinaha oo leh quwad dhaqaale ,hub iyo quwadda Aadanaha balse waa quwad Huridda.

Saadaalin dhawaan ay sameeyeen Hay’adaha Sirdoonka Mareykanka ayey ku sheegeen in 2025-ka ay soo bixidoonaan Awoodo Mareykanka kula tartama go’aanada iyo Hogaaminta Caalamka kusasoo kala ah Shiinaha iyo Hindiya.

Naadiga Nuceirka:

Waxaa jiro ilaa 5-dowladood oo ay si rasmi ah u aqoonsan tahay Heshiiska Reebaya Fiditaanka Hubka Nuceirka sida: Mareykanka,  Ruushka,  France, Ingiriiska, Shiinaha iyo Afar dowladood oo hubka si aan rasmi ahyn u haysata sida: Isra’il, Hindiya, Bakistaan iyo  Waqooyiga Kuriya…waxaa la Filayaa inay liiskan kusoo biirto Iiraan.