U bood dhigaalka

24 Qof Oo Ku Geeriyootey Rabshado Ka Dhacay Kenya

Sheeko:Dalka

Guddiga qaranka xuquuqul insaanka Kenya ayaa sheegay 24 qof ay dileen ciidamada ciidamada booliska tan iyo markii ay bilowdeen rabshadaha lagu diidanaa in Kenyatta uu ku soo baxo doorashada madaxtinimo.

Mas’uuliyiin ka tirsan gudiga xuquuqul insaanka Kenya oo la hadlay wakaaladda wararka  Ap ayaa waxay sheegeen tan iyo talaadadii la soo dhaafay, in lagu dilay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya dad gaaraya 17 qof, halka kuwa kalena lagu dilay gobollo kala duwan ee ka tirsan dalka.

Rabshadaha ka dhacay Kenya ayaa waxaa sal u aha markii Odinga oo hogaaminayay xisbiga mucaaradka uu sheegay in doorashada lamar habaabiyay.

2007, Odinga waxaa uu qaadacay natiijooyinkii ka soo baxay doorashooyinka madaxtinimo ee ka dhacay Kenya,kuwaas oo uu ku guuleystay Maawi Kibaki,waxaana daba socday rabshado ka dhacay waxayna keeneen dhimashada in ka badan 200 oo qof.

Goobjoog News