U bood dhigaalka

24 Sano Black Hawk Down Kadib, Mareykanka Oo Ciidamo U Soo Diraya Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Waaxda difaaca Mareykanka ee loo yaqaano  Pentagon  ayaa sheegaya in ay doonayaan in ay kordhiyaan la dagaalinka ururada xiriirka la leh Al-qaacida ee ka howlgala Soomaaliya sidaasi waxaa warbaahinta Mareykanka u sheegay sarkaal sare oo Ameerikaan ah. Sarkaalkan ayaa waxa uu sheegay in soo jeedino la xiriira sidii ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay ciidamada Soomaalida uga gacan siin la haayeen la soo gaarsiiyay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Saraakiisha ayaa sheegeysa  in hindisaha cusub uu ogolaanaya milatariga Mareykanka in ay weerarada cirka ah ay lagu qaadayo bartilmaameedyada degaanada ay joogaan islaamiyiinta la kordhiyo.

Xoojinta howlgallada milatari ee Ameerikaanka uu ka wado Soomaaliya ayaa waxaa qaba qorshaha cusub ee uu waaxda difaaca u gudbiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump taas oo soo jeedineysa in la xoojiyo dagaalada ururada islaamiyiinta looga soo horjeedo ee dhamaan dacalada adduunka.

Dowlada Mareykanka ayaa ka walaacsan da’ yarta Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka kuwaasoo u soo safraya Soomaaliya si ay ugu biiraan xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, dhalinyaradaas oo dib ugu noqon kara dalka Mareykanka.

Jeneral  Thomas Waldhauser oo ah taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in Soomaaliya ay kow katahay meelaha ay mudnaanta koowaad siinayaan ee caqabadaha ka filayaan genankan ayaa sheegay in Mareykanka uu haatan doonayo in uu Soomaaliya ku eego indha cusub isagoo tilmaamay in lagaaray markii loo bahnaa in labanabadeeyo soomaaliya

Waldhause ayaa diiday in uu faah faahin kabixiyo waxa kujira qiyaarka cusub ee la doonayo in la qaato saraakiil kale oo diiday in magaceeda warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegtay in qorshayaasha cusub ay kujirto in ciidamo lugta ah oo mareykan ah loo ogolaado in ay howlgallo wadajir ah la sameeyaan ciidamada Soomaalida .

Sidoo kale waxa ay sheegeen in qorshayaasha cusub ka mid tahay in laqafiifiyo ruqsada ciidamada mareykanka u baahanyihiin marka ay doonayaan in ay qaadaan weeraro dhinaca cirka ah.

wararka ay heleyso warbaahinta ayaa sheegaya in ay hadda soomaaliya kahowlgalaan ilaa 50 taliyayaal milatari ah oo si meerta ah uga howlgala gobalada dalka soomaaliya waxaana ay talooyin milatari siiyaan talisyada ciidamada maxaliga ah.

Xogheyaha difaaca Mareykana Jim Mattis ayaa ansixiyay soo jeedinno iyo qorshayaasha loo diray aqalka cad horaantii bishan haseyeeshee wali majiraan go aano kama dambeysa ah oo laqaatay aqalka cad ayaa diiday in uu kahadlo wararakan qaar kamid ah qubarada milatari ee kahowlgasha.

Waaxda diifaaca ee Pentigonka ayaa sheegaya in barnaamijka looga dan leeyahay in adeeg la talin ah la siiyo Soomaaliya maxaayeelay ciidamada midowga Africa ayaa doonaya in ay howlgalkooda Soomaaliya soo gabagabeeyaan marka lagaaro sanada 2020ka, waxaa qubaradani ay sheegeysaa in hey’adaha ammaanka Soomaaliya aanay diyaar u aheyn hadda in ay qaadaan ama buuxiyaan dowrka Amisom ee Soomaaliya. Ciidamada Mareykanka ee kooban ee hada jooga Soomaaliya ma aadaan furimaha dagaalka waxaase ay saraakiishan sheegayaan in baritaaraan mark loob aqo askarta soomaalida in lajabiyo

Mareykanka ayaa jab kala kulmay howlgal uu sameeyay 1993-dii, kolkaas oo ciidamada General Caydiid ay dileen 18 askari oo Mareykanka ah, taasi oo keentay in ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya.