U bood dhigaalka

27 Sano Kadib Oo La Dhisayo Garsoorka, Maxkadamadaha iyo Xeer Ilaalinta Gedo

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay 27 Sanno ka dib in ay dhisi doonaan  Garsoorka, Maxkamadaha iyo Xeer ilaalinta  Gobolka Gedo.

Maalmahan dambe waxaa ku sugnaa degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo wafdi uu horkacayey Adan Ibrahiim Aw Xirsi oo ah Wasiirka Cadaaladda Dastuurka iyo Arimaha Diinta ee Jubbaland.

Ulajeedka Safarka shaqo ee wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay inay la xariirto sidii degmooyinka Gobolka Gedo looga hirgelin lahaa Hay’adaha garsoorka iyo furitaanka Xero lagu tababari doono Booliska degmooyinka Gobolka Gedo.

Wasiir Adan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay safarka ay ku yimaadeen Garbahaarey in uu lahaa Saddex ulajeeddo oo ay kamid yahiin, dhismaha hay’adaha Garsoorka Gobolka, furitaanka Xero Tababar oo lagu tababarayo Ciidamada Booliska Jubbaland ee degmooyinka Baardhere, Garbahaarey iyo Buurdhubo iyo ulajeedada Saddexaad ayuu ku tilmaamay  dadka iney uga waramaan marxaladaha siyaasadeed iyo doorashooyinka soo socda sida ay ugu dhici doonaan Jubbaland.

Wasiir Aadan ayaa wuxuu rajo wanaagsan uu ka muujiyey qaababka ay u socanayaan howlaha shaqo ee ay ku joogaan Garbahaarey, isagoo sheegay in dhammaan ay mari doonaan degmooyinka kale ee Gobolka, Islamarkaana ay ka dhisi doonaan hay’adahii Garsoorka, sida maxkamadaha, Xeer ilaalinta iyo Xabsiyada, adeegyadaasi ayuu tilmaamay bulshada deggan gobolka in ay baahi weyn u qabeen sanado badan.

Goobjoog News