U bood dhigaalka

In Ka Badan 140 Qof Oo Lagu Dilay Muqdisho, Labadii Bil Ee Lasoo Dhaafay

Sheeko:Dalka

Sida ku cad warbixinta aan ururinay Labadii Bil ee ugu dambeysay waxaa dalka si sharci darro ah loogu dilay in ka badan 306 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafay 157 qof.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dilalkii ugu badnaa, in ka badan 147 qof ayaa lagu dilay gobolka Banaadir Labadii bil ee la soo dhaafay halka lagu dhaawacay in ka badan 131 qof.

Dadka Muqdisho lagu dilay waxaa ku jiray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ah, kuwaas oo lagu dilay qaraxyo iyo toogasho toos ah, in ka badan 43 ayaa ka dhintay ciidanka halka 72 kale ka dhaawacmeen.

Waxaa sidoo kale Muqdisho ka dhacay dilal loo geystay ergo iyo odoyaal ka qeyb-galay doorashadii dalka ka dhacday, 10 ergo ah ayaa la dilay halka qof ergo ahna la dhaawacay.

February 8: illaa dhammaadka bishaas waxaa qarax ku dhintay 44 qof halka toos loo toogtay 22 qof, dadka qaraxyada  ku dhaawacmay waa 64 qof halka toogasho toos ah lagu dhaawacay 9 qof.

Bishii March: waxaa qarax ku dhintay in ka badan 22 qof, waxaa sidoo kale dagaallo iyo toogasho ku dhintay 125 qof, Dhaawaca qaraxyada waxaa uu gaaray 52 qof, dadka toogashada lagu dhaawacay waa 7 qof.

Bisha April 10-kii maalmood ee ugu horreysay waxaa qarax ku dhintay in ka badan 55 qof halka 38 ay ku dhinteen dagaal iyo dil, dhaawaca in ka badan 12 qof ayaa qarax ku dhaawacantay, halka 13 ka mid ah toos lagu dhaawacay.

Guud ahaan: February 8-illa dhammaadka bishaas waxaa la dilay 66 qof, waxaa la dhaawacay 73 qof.

Bisha March 2017-kii, tirada la dilay waxaa ay ka badan yihiin 147 qof halka dhaawacana uu kor u dhaafayo 59 qof.

Maalmihii ugu horreeyay bishan April waxaa la dilay 93 qof halka dhaawacana uu kor u dhaafay 59 qof.

February qaraxyadii dhacay waxaan ka xusi karnaa: Qarax ka dhacay Kaawo-godey, Hoobiyeyaal lagu weeraray Warta Nabadda, Madaafiic ku dhacday meel u dhaw xarunta Xalane.

Bishii March waxaa dhacay qaraxyo sida: Labo qarax oo isku maalin dhacay, Qaraxii Koowaad ayaa waxa uu ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan bannaanka hore ee Warshaddii Nacnaca, halkaas oo ay ku xarreysan yihiin ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya, saacado kadib waxaa qarax Labaad uu ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga hotelka Wehliye oo ku dhow Isgoyska Dabka.

Isla bishaas waxaa dhacay qarax kale, qaraxan  ayaa ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Golaha Murtida & Madadaalada ee National Theatre, Waxaa intaasi dheeraa qaraxyo gawaari lagu xiray iyo weeraro kale, dilka Xoghayihii Degmada Wadajir, C/raxmaan Sheekh Axmed Calasow iyo qaraxii lagu xiray gaariga Weriye Xaamid Karaz.

Bishan April sidoo kale, waxaa ka sheegi karnaa qarax ka dhacay meel u dhow xarumaha wasaaradaha Ciyaaraha iyo Amniga ee dowladda Soomaaliya, qarax kale oo ka dhacay inta u dhaxeysa wasaaradda gashaandhigga iyo kuliyadda Jaalle Siyaad oo lala eegtay taliyha ciidanka xoogga dalka iyo qarax kale oo ka dhacay xarun ciidamada ku lahaayeen warshadda Nacnaca ee Wadajir.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu isbadal ku sameeyay taliyeyaasha ciidanka, waxaa kaloo uu ballan-qaaday in uu wax badan ka qaban doono ammaanka iyo xasiloonida Caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ciidamada xoogga iyo Booliiska ayaa la filayaa in fuliyaan qorshaha nabadeynta caasimadda taas oo ka mid aheyd barnaamijka xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Kheyre.

Shacabka waxaa ay rajo ka qabaan in uu dhaco isbadal xagga amniga ah, si dalka u gaaro hor-u-mar iyo barwaaqo.

Goobjoog News