U bood dhigaalka

30 Caruur Ah Oxygen La’aan Ugu Geeriyootay Isbitaal Ku Yaallo Hindiya

Sheeko:Caafimaadka

Isbitaal ku yaalla gudaha India oo magaciisa la yiraahdo Gorakhpur hospital ayaa 48 saacadood gudahood waxaa ku geeriyooday 30 caruur ah oo iskugu jira kuwo dhawaan dhalad ah  iyo kuwo kale oo xanuuno isbitaalka u jiifay.

Isbtaalkan oo ku yaalla gobolka Uttar Paradesh’s ee magaalada Gorakhpur ee waqooyiga Hindiya,  ayaa warbixinnadu sheegayaan in geeridu ay timid kadib markii gudaha isbitaalka Oxygen-ku uu aad ugu yaraaday iyo markii uu isbitaalku uu iska bixin waayay lacagtii shirkadda Oxygen-ka isbitaalka siinaysay oo markii dambe ka  goosatay tubooyinkii Oxygenka,  taasina ay keentay in caruurtu ay neef qabatimaan.

Xukuumad-goboleedka deegaanka ka talisa ayaa si aad ah u beenisay  in sababta geerida caruurta keentay uu ahaa Oxygen la’aan ka jirtay gudaha isbitaalka “Ma jiro bukaan u dhintay sabab Oxygen la’aan ah gudaha isbitaalka”, ayayna yiraahdeen.

Wasiirka caafimaadka xukuumad-goboleedka oo la yiraahdo Siddharth Nath ayaa telefishinka deegaanka u sheegay “Haddii aan ogaanno in khalkhalka uu ka yimid Oxygen la’aan , waxaa isla hadda la bedeli doonaan nidaamka kaydka Oxygenka ee Isbitaalka”.

Isbitaalka ay caruurta ku geeriyoodeen ayaa waxaa uu ku yaallaa mid ka mid ah gobollada ugu saboolsan Hindiya,kaasi oo caruur badan sanad walba ay ugu geeriyoodaan cudurro.

BBC