U bood dhigaalka

30 Sano Kadib: Mareykanka Iyo Soomaaliya Oo Heshiis 300 Oo Milyan Oo Dollar Ah Kala Saxiixday

Sheeko:Dalka

Hey’adda (USAID) oo wakiil ka ah Mareykanka ayaa heshiis horumarineed oo taariikhi ah la saxiixatay Soomaaliya, Heshiiska oo (DOAG)  loogu magac-daray waxaa goobjoog ka ahaa ra’isul wasaare Xasan Kheyre, Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed iyo Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.

Dhanka Mareykanka waxaa joogay ku-xigeenka USAID Afrika Julie Koenen iyo  safiirka Mareykanka Martin Dale.

Heshiiskan waxaa uu ka dhigan yahay kii ugu horeeyay ee labada dhinac ay galaan muddo 30 sano ka badan, ujeedka waa in barnaamijkan lagu xoojiyo dowladnimada Soomaaliya, xasiloonida iyo dimoqoraadiyadda.

Waxyaabaha dowladda federaalka laga taageerayo waxaa ka mid ah dowlad wanaagga, maamulka, waxbarashada, kobaca dhaqaalaha iyo howlaha lagu horumarinayo nabadda iyo xasiloonida dalka. Howlaha uu heshiiska dhigayo waxaa la fulinayaa iyada oo ay ka wada shaqeyn-doonaan dowladda federaalka ah.

“Dowladda Mareykanka, waxaa ay aad u taageereysaa dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee lagu soo celinayo xasiloonida, dowlad wanaagga, kobaca dhaqaalaha iyo waxbarashada” sidaa waxaa yiri Julie Koenen.

“ Waxaan rumeysanay in heshiiskan uu ka tarjumayo sida ay nooga go’antahay garab istaagista sidii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon laheyd iyo in la helo hadaf horumarineed oo fog” sidaasi waxaa yiri Martin Dale isaga oo intaasi raaciyay ” Heshiiskan waxaa ay ka dhigan tahay iskaashi ballaaran oo dhex-mara Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaan ballan-qaadeynaa in aan taageerno himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen horumar”.

Wasiirka qorsheynta ee Soomaaliya  Jamaal Maxamed ayaa sheegay in maanta uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxiixdeen, kaas oo loogu talo-galay in  wax looga qabto horumarka Soomaaliya.

2011-kii,  USAID  waxaa ay in ka badan  $1.3 billion ku qarash-gareeysay arrimaha banii’aadnimada iyo $328 million o arrimaha horumarka ah.

Goobjoog News