U bood dhigaalka

34 Ruux Oo Ku Geeriyootay Shil Ka Dhacay Dalka Haiti

Sheeko:Dalka

Madaxda waddanka Haiti ayaa waxay sheegeen in shil gaari uu ka dhacay waqooyiga dalka Haiti, waxaana ku dhintay dad gaaraya 34 qof, halka ay ku dhaawacmeen 17 kale.

Gaariga shilka galay ayaa ahaa Bus waxa uuna ka tagay magaalada Haiti ee caasimadda dalka Haiti, waxa uuna kusii jeeday magaalada Borstal , waxaana ku jiray rakaabka dadka saarnaa fanaaniin caan ah.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma ogaan sababta keentay shilka, balse afhayeen u hadlay dowladda hoose ayaa waxa uu sheegay in darawalkii waday gaariga rakaabka ah ay ku dhigeen booliska.

Inta badan waxaa lagu tiriyaa waddooyinka dalka Haiti kuwo aad halis u ah waxaana buux dhaafiyay fowdo iyo nidaam darro, wadayaasha gaadiidkana ma dhowraan sharciga ilaalinta waddooyinka.