U bood dhigaalka

4 Carruur Ah Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootey Mahadaay, Sh/dhexe

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in Afar Carruur ah ay cudurka shuban biyoodka ugu geeriyoodeen degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Guddoomiyaha degmadaasi Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in sidoo kale dad gaaraya 30 qof ay ku jiraan Isbitaalka Mahadaay kuwaa oo la xanuunsanaya cudurka shuban biyoodka.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in sababta dadkan ay cudurkaan u qaadeen ay tahay biyo wasaqeysan oo ay cabeen kadib markii uu biyo yareeyey Wabiga Shabelle.

Dadka qaar ayuu sheegay iney xaaladooda aad u liidato, waxaana uu ku baaqay in gurmad caafimaad dadkaasi lala soo gaaro.

Waa markii Labaad oo cudurka Shuban biyoodka uu ka dilaaco degmada Mahadaay ee Shabellaha Dhexe, Sadex bil gudaheeda, iyadoo weli dadka ku dhaqan degmadaasi aysan helin gurmad caafimaad oo ku filan.

Goobjoog News