U bood dhigaalka

4 Dal Oo Ay Soomaaliya Ku Jirto Uu Mareykanka Si Joogta Ah U Duqeeyo

Sheeko:Dalka

Warbixinno badan ayaa laga qoray maamulka Trump iyo qaabka uu u maareeyo la-dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada.

Mareykanka waxaa jirto illaa 4 dal oo ciidamo dhulka aaney ka joogin balse uu si joogta ah u duqeeyo sida Libya, Pakistan, Somalia iyo Yemen.

Weeraradaasi xilligii Obama waxaa ay koobnaayeen,  oo inta badan waxaa ay Mareykanka taageeri jireen maamullada halkaasi ka jira, Laakin Trump waxaa uu bilaabay daba-maryo.

Sanadkii tagay keliya Mareykanka waxaa uu Yemen ka geystay 120 duqeymo ah, Soomaaliya 35, 8 dalka Pakistaan iyo 12 oo Libya ah.

Hadaba, Mareykanka waxaa uu ku andacoodaa in uu wax ka badan ka qabtay faafitaanka kooxaha Al-Qaa’id iyo Daacish, lamana qiimeyn karo hadlakaasi run iyo been.

Goobjoog News