U bood dhigaalka

4 Kun oo Arday oo Maanta Imtixaanaad u Fariisanaya Jaamacadda Muqdisho (Dhageyso + Sawirro )

Sheeko:Dalka

IMG_5025Maanta waxaa imtixaamkii dhextaalka u fariisanaya illaa 4 kun oo arday oo ka tirsan jaamacadda Muqdisho sida wariyeyaasha u sheegeen maamulka jaamacadaasi oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee dalka.

Maxamed Xasan Nuur oo ah Diiwaanhayaha Jaamacadda Muqdisho ayaa warfidiyeenada u sheegey in imtixaamka uu bilaabanayo maanta oo ay taariikha ku beegantahay 3-da bisha, uuna soconayo illaa 15 bishani Janaayo.

Ardayda waxa ay imtixaamka kala galayaan labada galin, galinka hore waxa uu bilaabanayaa 8:30 subaxnimo, wuxuuna soconayaa illaa 11:30 barqonimo, halka galinka dambe uu bilaabanayo 1:30 duhurnimo illaa 4:30 casarnimo. Taasi oo ka dhigan in uu soconayo 3 saacadood oo xiriir ah.

Waxaa imtixaamka u fariisanaya illaa 90 fasal oo ka kooban 29 takhasus oo hoos imaanaya 9 kulyadood.

Waxaa soo hagaagaya xaaladda waxbarasho ee dalka haddii ay ahaan lahayd xagga tayada iyo waliba tirada ardayda iyo goobaha waxbarashada, hase yeeshee kaalintii dowladda ayaa wali meesha ka maqan.

Dhageyso

IMG_4997

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_5003

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_5007

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_5014

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_5027

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_5062

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_5079

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sawir Qaade : Ibraahim Xaaji

Goobjoog News