U bood dhigaalka

4 Qof Oo Ku Geeriyootey Roob Dabaylo Wata Oo Ka Da’aya Deegaannada Puntland

Sheeko:Dalka

Daadad ka dhashay Roobab dabaylo wata oo  ka da’aaya wali  deegaanada ka tirsan bariga Puntland oo ay ka mid yihiin Karkaar Gardafuu iyo  Bandarbeyla  ayaa sababay dhimashada Saddex ruux oo ay daadadku qaateen iyo  Hal ruux oo kale oo aan la garanaynin meel uu ku dambeeyey.

Afartaan ruux oo ka tirsanaa dad reer Guuraa ah oo deegaanadaasi ku noolaa ayaa saddex ka mid ahi waxay  ahaayeen hal qoys sida uu Goobjoognews u sheegay gudoomiye ku-xigeenka Degmada Bandarbeyla  Bile Nuur Faarax  “ saaka ayaan ku war helnay inay roobabku la tageen  ladaasi qof iyo odayga la waayey  aan u malaynayo in isna uu daadku qaatay ka sakaw  waxa jira xoolo badan oo ay la tageen daadku iyo kuwa markiiba ku dhintay roobka madaama ay xoolugu tabar yar yihiin  oo ay abaaro ku jireen , .

Roobabkan oo bilaabay aroornimadii hore ee maanta deegaan hoos yimaada degmada Qardho sidoo kale waxay biyaha ka dhasahay roobabka saaka halkaasi ka da’ay ay qaateen gabar yar oo sidaasi lagu waayey.

Agaasimaha waaxda masiibooyinka dabiiciga ah ee wasaarada arrimaha gudaha Puntland Cawil Maxamed Xirsi ‘roobabku wax yeelo badan ayey u gaysteen  oo degmooyinka Bandarbeyla ayey xoolaha badan ka qaateen degmooyinka Rako, Xaafuun  walina waa socdaan , markaasi dadku xaalad adag ayey ku jiraan “ ayuu yiri Agaasimaha waaxda masiibooyinka dabiiciga ah ee wasaarada arrimaha gudaha .

Roobabka oo wata qabaw badan  waxay burburiyeen guryo  cariishyo u badnaa oo ay lahaayeen  kalluumaysato ka shaqaysata deegaanada ay roobabku ka da’ayaan oo ah dhulka xeebaha bari e Puntland .

Roobabkan dabaylaha wata ee ka da’aaya deegaano ka tirsan Puntland  ayaa baaq ay soo saartay wasaarada arrimaha gudahaPuntland waxay  maamulka iyo dadweynaha kaleba kaga codsatay in gurmad loo fidiyo dadka ay roobabku wax yeeleeyeen .

Bilawgii todobaadkan  ayaa maamulka gobolka Nugaal ee Garoowe waxay sheegeen in khuburo dhanka saadaasha hawada ahi ay soo ogeysiiyeen in maalmaha Isniinta iyo Talaadada  ee isla todobaadkan  roobabkan maanta bilaabmay la filanaayo inay deegaanada xeebaha ee Puntland ka da’aan.

Goobjoog News