U bood dhigaalka

4 Sano Kadib: 8 Arrin Oo Lagu Xusuusan Doono Xasan Sheekh

Sheeko:Dalka

Maanta waxaa ay ku egtahay xilliga dastuuriga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh, 4 sano ayaa u go’day, hadaba su’aasha isweydiinta leh waa: Xasan Sheekh iyo Xukumadiisa maxay ka qabteen siyaasadda gudaha, dibadda, dhaqaalaha iyo arrimaha ammaanka.

Arrinta 1aad Ballamo uu Qaaday

Waxaa jirtay in madaxweyne Xasan Sheekh ballammo-qaaday sida fullinta 6 tiir oo uu ku sheegay khudbaddii ugu horeysay ee ay shacabka isku barteen.

Tiirka koobaad waxaa uu ahaa  xasilinta dalka, sareysiinta sharciga iyo dowlad wanaagga, tiirka 2aadnaa waa soo noleynta dhaqaalaha dalka, tiirka 3aad waxaa uu sheegay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, 4aadna soo noleynta adeega bulshada, dhinaca tacliinta, qaasatan dhinaca caafimaadka iyo ilaalinta deegaanka iyo faya dhowrka guud ee bulshada, tiirka 5naad kama liidan ee waxaa uu ahaa  midnimada iyo wada jirka umada Soomaaliyeed halka tiirka ugu dambeeya uu ahaa  dib u dhiska dalka ilaalinta iyo abuurida xiriir caalami ah ee ku saleysan iskaashi iyo wada jir…..Lixdaas tiir shaqo maka qabtay, Jawaabta ka fekir!!

Arrinta 2aad: New Deal-ka

Ujeedada barnaamijka New Deal-ka ayaa aheyd  in la helo talo midaysan oo lagu dhisayo dalka, Barnaamijka oo ah aragti qaran oo midaysan, ayaa xoogga lagu saaray dhinacyada ay ka mid yihiin siyaasadda, nabadgelyada, caddaaladda, dhaqaalaha, ururinta canshuuraha iyo adeegga bulshada.

Shirar kala duwan ayaa lagu qabtay dibadda sida Brussels September 2013  oo lagu yaboohay $2.4 billion iyo Turkiga February 22- 24, 2016, Shaqooyinka la qabtay waxaa ka mid ahaa dhismaha maamullada Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Waxbaabaha ilaa iyo hadda aan la qaban waxaa ka mid ah Dastuurka iyo tan ugu muhiimsan oo aheyd in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo codkiisa. 

Waxaa ilaa iyo hadda aan la ogeyn lacaga ku baxay barnaamijkan New Deal-ka, inta la helay lacagahaas iyo lacagta aan la helin, maxaa laga qabtay siyaasadda, nabadgelyada, caddaaladda, dhaqaalaha, ururinta canshuuraha iyo adeegga bulshada? Waa arrin kale oo qabyo ah uu ka tagayo madaxweyne Xasan Sheekh. 

Dowladda Xasan Sheekh waxaa ay 2 sano gashay dowladda ugu musuqa badan caalamka, Soomaaliya waxaa liiskaas ku wehliyay dalka North Korea, waxaa kaloo jirta isqab-qabsi dowladda iyo beesha caalamka ah oo ku saabsan musuqa, arrintaas oo dib u dhac u keentay dhaqaalaha Soomaaliya.

Arrinta 3aad: Hiigsiga 2016-ka

Waxaa jiray shirar badan oo hiigsiga 2016-ka oo dalka ka dhacay, markii ugu horetsay waxaa Muqdisho lagu qabtay September 2-6, 2013-kii, hadda mid shirarkaas Hiigsiga ka mid aha ayaa socda magaalada Muqdisho.

Ujeedada ugu muhiimsan waxaa uu ahaa sidii 2016-ka dalka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo codkiisa ah, dowlad wanaagga, axsaabta dalka iyo sharciyada, wax ka badalka dastuurka iyo arrimo kale oo la doonayey in Soomaalida ay ku wada hadlaan ka hor doorashada 2016-ka.

Hiigsiga sida rabay uma dhicin waayo maanta dastuurkii lama meel-marin, aftina looma qaadin, doorasho dadban oo aan aheyn tii heshiiska ahaa ayaa dalka aka dhaceysa, waxaa intaa dheer guddiyada doorashada iyo siyaasadda doorashada oo ah kuwoo ay allifeen madasha hoggaanka qaranka…..Micnaha Hiigsigii 2016-ka  mid ka duwan  ayey madasha keentay!!

Arrinta 4aad: Dhismaha Maamul Goboleedka

Xasan Sheekh inta uu madaxweynaha ahaa waxaa la dhisay maamullada Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed, laakin waxaa meel halis ah taagan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, maamulkan sanad iyo bar ayaa marba meel la tagayaa, ilaa iyo hadda waxaa uu ku dhaw yahay fashil, waxaa kaloo cidlo looga tagay oo meel cidlo ah taagan gobollada Sool iyo Sanaag oo maamulkooda Khaatumo la diiday in la aqoonsado.

Arrinta 5aad: Xasan Sheekh iyo Baarlamaanka 9aad

Baarlamaanka 9aad, ma qaban shaqadii la rabay, oo waxaa dhacday in ay isku mashquulaan laammaha fulinta iyo sharci dejinta tiiyoo keentay in wax badan uu baarlamaanka qaban waayo, waxyaabaha uu baarlamaanka qabtay waxaa ka mid ah:

Dib u eegis, laalid, waxka badalka dastuurka qodobka 60aad, 67aad, 136aad iyo 138aad ee dastuurka.

Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay 21 sharci oo uu ugu horeeyo xeerhoosaadka golaha shacabka

Golaha shacabka waxaa uu soo saaray 42 qaraar.

Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 9 Miisaaniyad iyo xisaabxir sanadeed

Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 6 heshiis

Golaha shacabka  waxaa uus sameeyay la-xisaabtan iyo su’aalo weydiin xukuumaddaiyo saraakiisha dowladda ah

Arrinta 6aad: Dagaallo

Dowladda Soomaaliya dagaalka ugu weyn ee gashay waa midka ay ugu magacdartay Howl-galka Badweynta Hindiya ee ka dhanka ahaa Al-shabaab 2014-kii, waxaa uu dagaalka ka dhacay labada shabeelle iyo Hiiraan, markii dambe waa iska istaagay.

Dhinaca kale, waxaa jirtay in Mareykanka ay dileen hoggaamiyeyaal badan oo Alshabaab iyo  saraakiil la sheegay in ay ka soo go’een xarakada oo ay isku soo dhiibeen dowladda Soomaaliya.

Ammaan darro ayaa Muqdisho ka jirtay mudadaas 4ta sano aheyd, tusaale ahaa xukuumadda hadda jirta ee Cumar Cabdirashid celcelis ahaan bil kasta 2 Hotel ayaa lagu weeraraa magaalada Muqdisho tan iyo markii la dhisay, taas oo ku tuseysa dhibaatada xagga amniga ee dalka ka jirta, waxaa kaloo mudada ay dowladda jirtay in la dilay ilaa 18 Xildhibaan iyo saraakiil badan oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo shaqaalaha rayidka ah.

Arrinta 7aad: Xiriirka Arrimaha Dibadda

Xiriirka Soomaaliya iyo dalka Mareykanka ayaa aad u wanaagsanaaday kadib markii Washinton ay aqoonsatay dowladda Xasan, labada dhinacna ay safiirro isu magacaabeen.

Dalka Kenya tusaale ahaan waxaa jirtay dhowr arrin oo la isku qabtay sida dacwada badda, darbiga xadka, Qaxootiga iyo soo celintooda iyo midda hadda ugu dambeysa ee qaadka lagu joojiyay.

Dad badan ayaa dhaliilay siyaasadda arrimaha dibadda ee Xasan Sheekh, waxaa uu marar badan qaattay go’aanno aan la fahmin  sida Sacuudiga oo xiriirka u jaray Iran iyo Turkiga oo ceyriyay Gulen oo labadaba ay Soomaaliya xiriirka u jartay, ma aha in Iran iyo Gulen ay fiican yihiin, laakin siyaasadda haye raacda aha ayaa la dhaliilay.

Arrinta 8aad: Qalalaaso Siyaasadeed

Xasan Sheekh muddada uu joogay, waxaa dalka hareeyay qalalaaso badan, waxaa uu badalay 2 ra’isul wasaare Cabbdi Farax Shirdon iyo Cabdiweli Axmed Sheekh, isaga xitaa 2 mar ayaa Mooshin laga keenay oo dirqi ayuu ku baxsaday, ra’isul wasaaraha hadda jira xitaa 2 xukuumad ayuu dhisay kadib markii la diiday dad liiska ku jiray uu madaxweyne  Xasan Sheekh uu keensaday.

Xillgan hadda la joogo waxaa la isku heystaa sharciyadda Xasan Sheekh, Xisbiyada dalka waxaa ay doonayaan in uu talada ka dago, haddii dibadbaxyo iyo sida ay qorsheynayaan wax u dhacaan, waxaa la fili karaa in dalka uu qalalaase siyaasadeed galo.

Axadda oo 9/11-30 Ocotober 2016-ka, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu ahaan doonaa Care Taker ama sii haye, ma lahaan doono awooddo dastuuri ah, waxaa laga shaki qabaa sida doorashada waqtigeeda ugu dhici doonto oo isaga uu ku tagi doono?

 

Goobjoog News