U bood dhigaalka

48.4 Milyan Oo Euro Waa Lacagta Midowga Yurub Ku Bixin Doonaan Horumarinta Dhaqalaha iyo Dowlad Wanaagga Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiirka qorshaynta Soomaaliya  Jamaal Maxamed Xasan oo hadlayey kadib kulan ay heshiis ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo midowga Yurub ayaa sheegay in  reer Yurub ay mashariicdan  hirgelinayso Soomaaliya, Mashaariicdan oo ku saabsan horumarinta dhaqalaha, dowladda wanaagga iyo kaalmeenta farsamooyin ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 48.4 milyan oo euro.

Wasaiirka Qorsheynta waxaa uu intaa ku daray in dhaqaalihii Midowga Yurub ay ku bixin jirtay mashaariicda horumarinta dalka, haatan ay maamuleyso Wasaaradda.

Heshiiskan waxa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka  Qorshaynta Horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, halka uu Midowga Yurubna u saxiixay Agaasimaha  guud ee Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub , waxaana goob joog ka ahaa  Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Safiirka Midowga Yurub  ee Soomaaliya .

Agaasimaha Guud ee  Horumarinta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Midowga Yurub  ayaa   tilmaamay  Midowga Yurub ay dowladda Soomaaliya ka gacan siin doono horumarinta dhaqaalaha,  dhismaha ciidanka qalabka sida, la dagaallanka argagixisada iyo dhib u dhiska Hay’addaha dowladdda Soomaaliya

Dhinaca kale, madaxweynaha  Soomaaliya Maxmaed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafiga ka socday Midowga Yurub ee uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Horumarinta iyo Iskaashiga caalamiga ee Midowga Yurub Stefano Manservisi isagoo ka lahadalay xoojinta taageerda Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Goobjoog News