U bood dhigaalka

494 Soomaali Oo Ka Carartey Dalka Switzerland

Sheeko:Dalka

Waxaada socdaalka iyo jinsiyadaha ee dalka Switzerland ayaa shaaca ka qaaddey in la la yahay 494 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo la sheegay iney dalkaasi ka carareen, iyadoo aan la ogeyn meel ay lugta dhigeen.

Afhayeen u hadlay waaxda socdaalka Switzerland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sanadkii 2016 ay dadkaasi intooda badan ka carareen dalkaasi.

Sababta ayuu sheegay iney tahay in markoodii hore ay ka yimaadeen dalka Talyaaniga oo faro looga soo qaadey, islamarkaana ay ka baqeen in dalka Talyaaniga dib loogu celiyo.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in ka waax ahaan aysan sheegi karin dalka rasmiga ah ee dadkaan aadeen.

Sidoo kale waaxda Socdaalk iyo Jinsiyadaha dowladda Switzerland ayaa sheegtay in ay jiraan muwaadiniin kale oo Afrikaan ah islamarkaana sidaan oo kale sanadkii 2016 uga cararay dalkooda.

Dalka Talyaaniga ayaa inta badan faro ka qaada dadka qaabka tahriibka ah ku gala dalkaasi si aaney ugu sii gudbinn dalal kale.

Goobjoog News