U bood dhigaalka

5 Qodob Oo Ra’isul Wasaare Kheyre Ay Tahay In Uu Ka Hadlo Kulan-ka 72aad Ee Jimciyadda Q.M

Sheeko:Dalka

Bishan 19-25-keeda, waxaa magaalada New York ka furmaya shirka guud ee jimciyadda qaramada midoobey, Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya ra’isul wasaare Xasan Kheyre, waa sanadkii 2aad ee kulankan uu ka baaqanayo madaxweyne Soomaaliyeed, sanadkii hore waxaa Muqdisho u matalayey wasiirka arrimaha dibadda Cabdisalaam Hadliye.

2016-kii, khudbaddii Cabdisalaam Hadliye waxaa ay xoogga saartay Sustainable Development Goals, NDP, xarakada Al-shabaab, Istaraatiijiyadda ka hortagga fikirka xagjirnimada, soo celinta qaxootiga iyo arrimo kale.

Arrimihii uu Kulanka Ka jeediyay Hadliye Waxaa Ka Mid Ahaa:

Sustainable Development Goals: Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa uu sanadkii hore isku xiray hiigsiga qaramada midoobey ee Sustainable Development Goals iyo qorshaha qaran ee dowladda ee loo yaqaano NDP isaga oo rajo ka muujiyay in labada qorshe la iswaafajin-doono, lana dhaqangelin-doono.

Al-shabaab waan ka adkaanay:  Cabdisalaam Hadliye sanadkii hore waxaa uu dalalka ku jira qaramada midoobey u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka adkaatay xarakada Al-shabaab, isaga oo intaa raaciyay in Al-shabaab ay gacanta ku hayeen wax ka yar 10% dhulka Soomaaliya.

Istaraatiijiyadda ka hortagga fikirka xagjirnimada: Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa uu jimciyadda qaramada midoobey kala hadlay Istaraatiijiyadda ka hortagga fikirka xagjirnimada taas uu daah-furay xilligaasi madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Maalgeshi: Mr. Hadliye waxaa kale uu ka hadlay in Soomaaliya leedahay xeebta ugu dheer Afrika, 70% dadkiisuna ay da’dooda ka yar tahay 30 sano, isaga oo soo qaatay in xukuumadda ay meel-marisay sharciga maalgeshiga, diyaarna u tahay maalgeshi nooc walbo ah sida Tamarta, beeraha, Kaabayaasha dhaqaale iyo isgaarsiinta….haddii taasi la helana ay istaagi doonto hijrada, waxaa kale oo laga adkaan doonaa faqriga.

Arrinta soo celinta Qaxootiga: Dowladda waxaa ay sanadkii hore ku faantay in ay heshiis ku gashay soo celinta qaxootiga, heshiiska waxaa uu khuseeyay dalalka Kenya, Itoobiya iyo Yemen.

Sanad kadib khudbaddaasi,  ma rabno in aan ka doodno wasiirka arrimaha dibadda Cabdisalaam Hadliye ma saxnaa in uu arrimahaasi ka hadlo, ma runtaa in ay dowladda ka adkaatay Al-shabaab, Qaxootiga la soo celiyay nolol ma heystaan…arrimaas waa dood furan oo mar kale laga hadli karo.

Waxaan hubaa in sanadkan ra’isul wasaare Kheyre qorshaha ugu jirto sidoo kale in uu ka hadlo doorashii dalka ka dhacday 2016-kii, Al-shabaab, heerka dimoqoraadi dalka, arrimaha xasilinta caasimadda, la dagaalanka Musuqa,  federalism-ka,  kalsoonida ay shacabka ku qabaan dowladda iyo arrimo kale.

5 Arrin Oo Qasab Tahay In Ay Soomaaliya Ka Hadasho Shika Jimciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa:

  1. Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta: Dunida waxaa ay ka daashay maqalka dagaallada, gaajada, argigixisada iyo burcad-badeedda Soomaaliya, markan waa arrin fiican haddii khudbadda sanadkan laga dhex-arko arrimo la xiriira nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo wada hadal lala galayo Al-shabaab.
  2. Dhismaha Ciidamada Qaranka: Shirka ka dhacaya October magaalada Muqdisho waxaa looga hadlayaa dhismaha ciidamada qalabka sida, si ciidamada qaranka loo dhiso, waxaa loo baahanyahay lacag, hub iyo tababar joogta ah, arrimhaas oo dhan waxaa ka horeeya in laga qaado cuna-qabateynta hubka, shirkan waa fursaddii beesha caalamka loogu sheegi lahaa in la gaaray xilligii Soomaaliya laga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka.
  3. Dhaqaalaha: Soomaaliya waxaa la joogaa xilligii ay beesha caalamka u sheegi laheyd in deymaha laga cafiyo, isla markaana hey’adaha lacagta sida bangiga adduunka iyo IMF-ta ay wax ka bedeli lahaayeen sida ay ula dhaq-maan Soomaaliya.
  4. Maalgeshi: Soomaaliya waxaa ay u baahantahay maalgeshi, weliba mid ka yimaada dibadda, sidaasi darted waa in dowladda si fiican u suuq-geyso kheyraadka dalka, shirkanna looga faa’ideysto.
  5. Dalxiis: Soomaaliya oo ka faa’ideysa xubinta ay ka noqotay hey’adda dalxiiska adduunka ee waa in ay sheegtaa ahmiyadda dalxiiska, waxaa jira gobollo nabada ah si Puntland iyo Somaliland oo loo iman karo dalxiis, waxaa la gaaray xilligii laga gudbi lahaa cabsiinta dadka, lana dhiirigelin lahaa dalxiiska

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa: Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa waxaa ay ka mid tahay lixda hay’adood ee ka koobad tahay Qaramada Midoobey, waxa xubno ka ah 193 dal, hey’addan waxaa ay mas’uul ka tahay dajinta Siyaasadaha guud ee Caalamka, waa meesha looga codeeyo arimaha muhiimka sida Codeynta arimaha Amaanka, Nabadda.

Shaqooyinkeeda waxaa ka mid ah: Nabad ilaalinta, Xalinta Muranada, Meel Marinta Miisaaniyadda Qaramada Midoobey, doorashada xubnaha aan joogtada ayeyn ee Golaha Amaanka iyo xitaa Xogeyaha guud ee Qaramada Midoobey markii ay golaha amaanka soo jeediyaan.

Dowlad kasta waxaa ay leedahay hal cod marka laga reebo dowladaha aan bixin Ishtiraakaad ama Lacagaha Wadamada laga qaado, Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka aan loo ogoleen in ay codeeyaan.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News