U bood dhigaalka

5 Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootey Mudug

Sheeko:Caafimaadka

Deegaanka Saddex Xigle ee gobolka Mudug ayaa laga soo sheegayaa inuu ka dilaacay cudurka Shuban Biyoodka, kaasi oo Carruur ay u dhinteen sidoo kalena ay haatan la il daran yihiin dad badan.

5 qof oo 4 kamid ah ay yihiin Carruur ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ugu geeriyoodey deegaankaasi cudurka shubanka, iyadoo aanu jirin xarun caafimaad oo deegaankaasi ka jira.

Maxamed Jaamac, waa guddoomiyaha deegaanka Saddex Xiglo isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in cudurkaan ay haatan la jiifaan dad badan oo qaarkood loo soo qaadey magaalada Gaalkacyo.

โ€œDeegaanka waxaa ka dilaacay Cudurka Shuban Biyoodka, 5 qof ayaa u dhimatey,ย  kuwo kalena waa ay la il daran yihiin, cudurkaan waa uu nagu soo noqnoqdey, annagane tabar uma hayno, abaarta jirta iyo biyaha aan nadiifka ahayn ayaan u maleyneynaa in sabab u tahay arrintaasiโ€ ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha deegaanka Saddex Xiglo ayaa ugu Dambeyn ugu baaqey hayโ€™adaha caafimaadka, dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug in gurmad degdeg ah oo dhanka dawada ah la gaaraan dadka ku nool deegaankaasi.

Goobjoog News