U bood dhigaalka

5 Qof Oo Ku Geeriyootey Qaraxii Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gaari oo maanta ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan uu geystay khasaare kala duwan.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay in la dhigay meel wadada dhinaceeda ah, kuna dhow Saldhigga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga Axmed Carab, oo saxaafadda kula hadlay halka qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay in halkaasi ay ku dhinteen 5 qof oo shacab ah, 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Xilliga gaarigan uu qarxayey waxay wadadu ahayd mid aad u mashquul ah, waxaana halkaasi marayey gaadiid dadweyne, iyadoo sidoo kale goobta ay ka dhowaayeen xarumo ganacsi iyo meello shacabka ay ku shaahaan.

Qaraxan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee magaalada Muqdisho ka dhacay Bishan July 2017.

Ciidamada xasilinta Muqdisho ayaa aad u adkeeyay ammaanka guud ee magaalada, waxayna ciidanka gaadiidka ku baaraan koontaroollo badan oo laga dhex sameeyay magaalada.

Sawir Qaade: Maxamed Amiin

Goobjoog News

m5 m6 M1 M2 m3 M4