U bood dhigaalka

5 Sabab Oo Shacabka Soomaaliyeed U Jecel Yihiin Madaxweynaha Turkiga Erdogan

Sheeko:Dalka

Soomaaliya sida Turkiga oo kale, xalay ilaa maanta waxaa laga  dareemayaa afgambiga dhicisoobey ee lagu sameeyay Madaxweyne Erdogan, dadka waxaa ay ku dhafreen shaashadaha Telefishinnada si ay ula socdaan wararka inqilaabka, hadal-heynta waa Turkiga.

Sida in wal-walka Erdogan aanu weli dhammaanin, shacabka reer Muqdisho waxaa ay dibadbax ka dhigeen qeybo ka mid ah magaalada, iyaggoo socod ku maray min Taallada Daljirka Daahsoon ilaa Safaaradda Turkiga ee degmada Cabdi Caziz, wasiirka awqaafta, guddoomiyaha gobolka iyo culimo ayaa hormuud ka ahaa, waxaa ka soo qeybgalay shacab lagu qiyaasay dhowr kun oo ardey ku jiraan, hadaba waa kuwan sababaha loo jecel yahay Erdogan.

5 Sabab Oo Shacabka Soomaaliyeed Ay U Jecel Yihiin Madaxweyne Erdogan:

Rajeb Tayib Erdogan iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya Jaceyl, dadka reer Muqdisho waxaa ay  gobollada kale uga duwan yihiin, waxaa ay ogyihiin in ninkaasi uu yimid Xamar xilli baahi badan ka jirto, Jaceylka reer Muqdisho iyo Erdogan waxaa uu bilowday 2011kii.

August 19, 2011: Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waxaa si fiican u ifbaxay kadib imaashiyahii ra’isulwasaaraha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ee Soomaaliya 19-kii Agoosto 2011-kii, si baahi iyo abaarro ay ka jiraan dalka, wixii maalintaas ka dambeeyay wax walbo waa is badaleen. 

Sababta Koobaad: Gargaarkii Macaluushii 2011-ka

360 Malyuun: Booqashadii Erdogan kadib, Shirkadaha gaarka ah iyo dadweynaha Turkiga waxa ay Soomaaliya u ururiyeen kaalmo gaareysa $360 Malyuun oo doolar , taasi oo wax looga qabanayay abaartii jirtey

Sanaddii 2010-kii Turkiga waxa uu abaabuley shirweyne caalami ah oo lacago loogu yaboohayay Soomaaliya, waxaan shirkaasi ka qeybgalay 57 dal, halkaasi oo Soomaaliya loogu yaboohay lacago badan

Hey’adda Bisha Cas ee Turkiga oo ah tan ugu weyn ee hawlaha gargaarka ka fulisa Soomaaliya waxa ay 3-dii sano ee lasoo dhaafay dalka keentey wax ka badan 10 markab oo mucaawino ah, kuwaasi oo kaliya waday bur iyo sokor, midkiibana uu waday wax ka badan 10 tan oo raashiin ah.

Gobollada: 18-ka gobol ee dalka marka laga reebo Mudug iyo Galgaduud dhamaan waa ay gaartay kaalmada cunto ee Turkiga, taasi oo ay hormuud ka ahayd hay’adda bisha cas ee Turkiga.

Rajo: Xerada loo barokacay ee Rajo ee magaalada Muqdisho oo ay ku noolyihiin wax ka badan 45 kun oo barokacayaal ah, hey’adda bisha cas ee Turkiga qoys kasta waxa ay u dhistey teendho, jiko, musqul, waxayna u galisey leer, waxay xerada ka dhex samaysay waddooyin habaysan, waxaa dadkaasi la siiyaa raashiin bil kasta oo biil ah, iyo maalin kasta oo ay rooti ka helaan foorno halkaasi Turkida ka dhiseen.

Xamar Weyne:  waxaa ku taala jiko weyn oo lagu kariyo cuntada bisil, taasi oo maalin kasta laga quudiyo 14169 qof (Tobon iyo afar kun, boqol lixdan iyo sagaal qof) oo isugu jira agoon iyo dad barokacayaal ah oo ku jira xarumo kala duwan magaalada, kuwaasi oo gaadiid loogu daabulo raashiinka karsan, isla jikadani waxaa subax kasta laga qeybiyaa 11600 oo rooti ah (Koow iyo tobon kun iyo lix boqol xabbo oo rooti ah), iyada oo 15 maalmood oo kasta laga qalo neef geel ah, si nafaqada jirka ee dadka loo dhamaystiro.

Sababta Labaad: Gargaarka Caafimaadka

Isbitaalka Erdogan:  Mashruuca ugu weynaa ee xagga caafimaadka ee Turkida ay ka fuliyeen Soomaaliya waa isbitaalka Digfeer oo ah isbitaalka Afrika ugu weyn, kaasi oo leh dhamaan adeegyaddii caafimaad ee isbitaal looga baahnaa, kuwaasi oo casri ah, islamarkaasina la jaanqaadaya heerka caalamiga ah. Waxaa ku baxday wax ka badan 30 malyuun oo doolar oo qarash ah mashruucani isbitaalka Digfeer oo markii dambe loo bixiyay Erdogan.

Kalkaaliyeyaal: Turkiga waxa ay dhisayaan iskuulka tabobarka kalkaaliseyaasha kaasi oo lagu tabobari doono xirfadlayaasha caafimaad ee Soomaaliya. Waxaa iskuulkani laga dhisayaa halkii uu ahaan jirey kuleejkii Nova, waxaana dhismihiisa iyo hawlgalintiisa ku kacaysa lacag gaaraysa $4.5 malyuun oo doolar.

Dhaawacyo: Turkiga waxa ay gargaar caafimaad oo aan kala joogsi lahayn u fidiyaan mas’uuliyiinta iyo muwaadhiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeelooba weerarada iyo qaraxyada dalka ka dhaca, kuwaasi oo gudaha dalka wax looga qaban waayay xaaladooda caafimaad.

Hey’ad Turki ayaa waxa ay dhiseysaa isbitaal weyn oo carruurta kaliya ah

Sababta sedexaad: Xagga Waxbarashada

Deeqo Waxbarasho: Illaa 1500 arday Soomaaliyeed ayaa la siiyey deeqo waxbarasho oo isugu jira dugsi hoose/dhexe illaa heer jaamacadeed , waxaana la sheegey in deeqdani waxbarasho ay ku baxday illaa $70 malyuun oo doolar sida uu sheegey safiirkii hore ee Turkiga Soomaaliya u fadhiyey Kani Torun.

Luqadda Turkiga: Illaa 1000 arday oo Soomaali ayaa iyaguna dalka Turkiga lagu soo siiyey tabobar xagga luuqada Turkiga ah kuwaasi oo inta dalka dib ugu soo laabtay maanta dhamaantood u shaqeeya hey’adaha Turkiga, iyaga oo turjumaano u ah , islamarkaasina ku shaqeeya mushaaraad wanaagsan oo qoysas badan ka aflaxeen.

Iskuullada Turkiga: Turkiga waxa uu caasimadda ka dhisey illaa 4 iskuul iyo 2 iskuul oo agoonta kaliya ah , waxaa kale oo uu dalka meelo kale ka dhisey illaa 5 iskuul

Duulista: Waxa uu Turkiga dhisey, iskuulka tabobarka duulista hawada sare, kaasi oo ah kan kaliya ee dalka ku yaala oo lagu baran karo aqoonta garoomada iyo duulista hawada sare waxa xiriirka la leh. 

Sababta Afarraad: Mashaariicda Waaweyn ee uu Turkiga Ka Qabtay Dalka

Waddooyinka: Mashruuca ugu weyn ee uu Turkiga dalka ka qabtay waa dhismaha waddooyinka laamiga ah ee magaalada Muqdisho, jidadka uu dhisey Turkiga waxa ay gaarayaan illaa 86 kiilo mitir, kuwaasi oo 22 kiilo mitir oo ka mid ah la galiyey nalal cadceedda ku shaqeeya, waxaana ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan sida Makka Al-Mukarama , dhismaha waddooyinka waxaa ku baxday lacag ka baddan $43 malyuun oo doolar, walina hawsha waa mid sii socota..hadda waxaa ay bilaabeen dhismaha waddada 30-ka oo ah waddo muhiim u ah isu socodka magaalada.

Favori: Shirkad lagu magacaabo Favori ayaa maalgashi xooggan ku samaysatay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cusmaan laga soo bilaabo bishii September 2013, waxaa mashruucani ku kacaysa illaa $10 malyuun oo doolar, waxaana la sheegey in garoonka baaxadiisa la gaarsiinayo illaa in 60 diyaaradood ay markaliya isticmaali karto, garoonka oo uu xariga ka jarayo madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan, waxaa loo dhamaystirey dhamaan adeegyadii uu garoon u baahnaa.

Al-Beyraak: Shirkad kale oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn Turkiga oo lagu magacaabo Al-Beyraak ayaa iyaduna la wareegtey maamulista dekeda weyn ee Muqdisho bishii September 21, 2014, halkaasi oo la casriyeey adeegyada, iyada oo la balaarinayo baaxadda dekeda si ay u qaabili karto xamuul aad u badan oo kasoo dega. 

Sababta Shannaad: Xiriirka Dublamaasiyadeed iyo Heshiisyada

Turkiga waxa ay safaarad ka furatay magaalada Muqdisho, wuxuuna Turkiga noqdey dalkii ugu horeeyey ee aanan Afrikaan ahayn ee safaarad ka furtsa Soomaaliya muddo 20 sano ah oo dalka burbur ku jirey, safaaradani waxaa la furey 1dii bishii November, 2011-ka, waxaana xiligaasi safiir loosoo magacaabay Danjire Kani Torun.

Soomaaliya ayaa iyaduna safaarad ka furatay magaalada Ankara ee Turkiga, iyagoo mar walbo loo magacaabo safiirro si xowli ah halkaas uga howlgala.

Turkish Airline: Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airline ayaa markii ugu horeysey biloowdey duulimaadyo toos ah oo ay ku imaanayso magaalada Muqdisho bishii Maarso 2012-kii, waxayna noqotey shirkadda duulimaad ee kaliya ee caalamiga ah ee duulimaadyo caalami ah ka samaysa Soomaaliya, inkastoo marar badan lala damcay weeraro hadana kama quusan in dalka ay ku dhexjirto.

Heshiisyo Ciidamo: Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo dhawr ah oo u badan xagga ciidamada, heshiiskii ugu horeeyey oo xagga ciidamada waxaa qalinka lagu duugey bishii May sanadii 2010-kii, waxaa heshiiskaasi fulintiisa loo dhaqaaqay bishii Nifeembar 2012-kii, heshiiska ayaa waxa uu ku saabsanyahay iskaashi military oo labada dal dhexmara, sida tabobar ciidamada kala duwan ee Soomaaliya kuwa cirka, kuwa badda, iyo kuwa dhulkaba, waxaa kale oo heshiiska uu dhigayay in kaalmo military uu Turkiga siiyo Soomaaliya

Heshiis Militari: Bishii Feberaayo 2014-kii ayaa waxaa labada dal ay markale kala saxiixdeen heshiis military oo dhigaya in Turkiga dalka Soomaaliya gudihiisa uu tabobar ku siiyo ciidamada Soomaaliya

Mataaneynta Muqdisho iyo Istanbul: Horaantii sanadkii 2013-kii ayaa waxaa la saxiixey heshiis lagu mataanaynayay magaalada Muqdisho iyo Magaalada Istanbul oo ah magaalada ugu weyn Turkiga, mataaneynta waxa ay la timid mashaariic kala duwan gaar ahaan dhanka nadaafadda, iyada oo dowladda hoosee ee Istanbul ay tan magaalada Muqdisho ugu deeqdey gaadiid qashinka qaada iyo agab kale oo nadaafadeed iyo waliba bilic soo celinta magaalada Muqdisho.

Dhisme Masaajidyo: Xiriirka xagga diinta iyo dhaqanka ee labada dal ka dhaxeeya waxa kale oo uu soo jiidey in ay Turkiga dhismo dayactir ah ku sameeyaan labo masaajid oo muhiim ah, masaajidka Cabdicasiis oo kun sano jira oo isagu gabi ahaanba burburey oo hadda dib loo dhisey iyo waliba masaajidka Isbahaysiga oo ah masaajid aad u weyn, muddo dheerna dayacnaa.

Wada Hadallada Soomaaliya iyo Somaliland: Turkiga intaasi kuma uusan ekaanin, waxa uu muddo labo sano ah wadaa wadahadalo u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dowladda Federaalka, kuwaasi oo soo biloowdey sanadii 2012-kii, islamarkaasina horumar wanaagsan laga gaaray.

Turkiga waxa uu dalkiisa ku martigaliyey Odayaasha dhaqanka Soomaalida sanadii 2012-kii, ururada bulshada rayidka ah, Qurba-joogta Soomaaliyeed, ganacsatada iyo waliba madaxda Soomaalida oo booqasho aan kala joogsi lahayn had iyo jeer ku taga dalka Turkiga iyaga oo martiqaad ka hela wasaaradaha kala duwan iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi.

Timeline: Heshiisyada kale Soomaaliya iyo Turkiga

January 25, 2015: Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Erdugan, iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa soo gabagabeeyay booqasho hal maalin ah oo ay ku tageen Soomaaliya.

Rajab Dayib Erdugan ayaa Xariga ka jaray Terminalka cusub iyo Isbitaalka Digfeer, galankii dambe ee maalintaas waxaa ay tageen Madaxweynayaasha Soomalaiya iyo Turkiga madaxtooyada Villa Somaliya.

Wasiirada Labada dhinac kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan Gaadiidka Badda, Sportiga iyo Dhalinyarada iyo iskaashi dhanka warshada ah.

Rajab Dayib Erdugan waxaa uu u Mahadceliyaya shaqaalaha Turkiga ka jooga Soomaaliya isagoo balanqaaday in howlaha halkaas ka sii wadayaan.

Xasan Sheekh waxaa uu maalintaas sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ay noqotay Maado dad qaar ay ka sameeyaan cilmi baaris.

May 24, 2015: Cabdiraxman cabdi Cusmaan oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Muqdisho, wada hadal kadib, Soomaaliya iyo shirkadda BGM hubinta tayada shaxnadaha gacansi oo dalka la keenayo ama laga dhoofinayo.

November 13, 2015: Golaha Wasiirada Oo Ansixiyay Heshiiska Caafimaadka Ee Soomaaliya Iyo Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa Golaha Wasiirada hor keentay heshiis u dhexeeya Dawladda F. Soomaaliya iyo Dawladda Turkiga oo ku saabsan wadashaqeynta dhanka Caafimaadka. Iyadoo dood dheer kadib Goluhu meel mariyey heshiiskaas.

Heshiiskan labada geesoodka ah ayaa xoojin doonaa kaabayaasha Caafimaadka Soomaaliya, iyadoo lagu salaynayo sinaan iyo isdhaafsi kaalmo, waafaqsana faa’iidada labada dhinac iyo shuruucda labada dal.

June 3, 2016:  Waxaa Dalka Booqasho ku yimid Rajab Dayib Erdugan isaga iyo Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh waxaa sy si wada jir ah xarigga uga jareen safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Dhinaca kale xukuumadaha Turkiga iyo Soomaaliya, ayaa Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo gaaraya ilaa 9:

Waxaa Heshiisyadaas ka mid ahaa:

Cashuuraha, Caafimaadka Xoolaha, Kobcinta Maal-geshiga, Tababarka Ciidanka Booliiska, Waxbarashada, Tababarka Militariga, Tamarta iyo Macdanta, Iskaashi Dhexmara SONNA iyo Wakaaladda wararka Turkiga, Heshiisyo ku saabsan shaqada iyo shaqaalah

Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka arrimaha dibadda Mr. Hadliye, Maaliyadda: Mudane Maxamed Aden iyo agaasimaha SONAA Cabdiraxmaan Al-cadaala,

Dhinaca Turkiga waxaa saxiixay , Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mevlüt Çavuşoğlu, Wasiirka dhaqaalaha Nihat Zeybekci iyo agaasimaha wakaaladda wararka Turkiga  Andolu (AA)  Senol Kazanci.

W/Q: Abdi Aziz Gurbiye

Goobjoog News