U bood dhigaalka

5 Soomaali Ah Oo Burcad Badeednimo Lagu Waayey Oo Muqdisho La Keenay

Sheeko:Dalka

shan(5) qof oo Soomaali ah oo lagu waayey burcad badeednimo ayaa maanta laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, sidaa waxaa sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Seychelles.

Raggan oo horay 12 sano oo xabsi ah lagu xukumay jasiiraddaasi, waxaa keenistooda iska kaashaday hey’adda loo yaqaano UNODC) iyo wasaaradda arrimaha gudaha, iyaga oo ku yimid diyaarad ay leedahay Island Development Company (IDC).

5-tan qof waxaa ay xukunka hore racfaan ka qaateen December 2016, waxaana la ogaaday in dadkani aanay wax dambi ah laheyn oo fasaxan yihiin.

Hadda, waxaa kooxdan gacanta ku dhigay ciidamada dowladda Soomaaliya, lama oga xilliga ay xuriyad dhameystiran heli doonaan.

Goobjoog News