U bood dhigaalka

50,000 Oo Gawaari Oo Ay Leedahay Shirkadda Ford oo Dib Loogu Soo Celinaayo Suuqa.

Sheeko:War

Shirkadda gawaarida sameysa ee Ford ayaa suuqyadda dib uga soo celinaysa ku dhawaad 52,000 oo gaari  kadib Markii gawaaridaas Cilado laga Soo calaamadeeyay.

War qoraal ah oo ay soo saartay shirkadda Ford ayaa lagu sheegay in gaariga nuuciisu yahay F-250  uu leeyahay cilad uusan gaariga istaageyn marka la joojiyo oo bareega la qabto.

Waxa ay intaa ku dartay shirkadda in aysan jirin wax qasaaro ah oo la soo gaarsiiyay oo ka dhashay cilada gawaarida nuucoodu yahay F-250

Waa markii 3aad oo shirkadda Ford ay gawaarida dib uga soo celinayso suuqyadda .

Arabacdii tagtay, Shikadda Ford ayaa u yeertay 211,000 oo gaari oo lagu iibiyay waqooyiga Amerika.

Shirkadan ayaa ka mid ah shirkadaha Gawaarida Sameeya ee macaashka ka sameeya Soo saarista Gawaarida Casriga ah.

Goobjoog News