U bood dhigaalka

6 Qof Oo Ku Geeriyootey Dagaal Beeleed Ka Dhacay Galgaduud

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya Labo beel oo walaalo ah ayaa maanta illaa iyo xalay ka dhacay deegaanka Libi Caanood ee gobolka Galgaduud, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud, Maxamed Cali Cilmi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dagaalkan uu sababay dhimashada Lix ruux iyo dhaawaca Toban kale.

Wuxuu tilmaamay guddoomiyaha in wax laga xumaado ay tahay in dad Saddex sano abaar soo wada noolaa in hadda ay dagaallamaan, iyadoo weli aanay jirin cid kala dhexgashay beelahan dagaallamay.

Guddoomiyaha ma aanu sheegin waxa rasmiga ah ee ay ku dagaallameen beelahan, balse wuxuu ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

“Waa wax laga xumaado in shacab muddo abaar ku wada jiray hadda hubka intey isku qaataan qaab qabiil isku dilaan, waxaan ugu baaqayaa dhinacyada dagaallamaya in wax walbo laga wada hadlo, waxgaradka waxaan ugu baaqayaa in wixii la qaban karo la qabto” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Galgaduud.

Deegaanka Libi Caanood waxaa laga soo sheegayaa in weli xiisadda dagaal ee beelahan u dhaxeysa ay ka jirto, iyadoo dadkii deganaa halkaasi ay badi barakaceen.

Deegaanno badan oo gobolka Galgaduud ah waxaa kusoo noqnoqday dagaal beeleedyo sidan oo kale ah waxaana gobolkaasi kala maamula deegaannadiisa Galmudug Ahlu-sunna iyo Al-shabaab.

Goobjoog News