U bood dhigaalka

Warbixin: Xaalufin Lagu Haayo Kheyraadka Badaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Hey’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed ayaa sheegtay in dalal shisheeye ay  xaalufin ba’an ku hayaan  kheyraadka ku jira  biyaha  Soomaaliya.

Admiral Faarax Qare oo  ah guddoomiyaha hey’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed  ayaa sheegay in cilmi baaris la sameeyey lagu ogaaday in sanad kasta dalka laga xado kheyraad badeed qiimahiisa lagu qadaray 300 oo million oo doolarka Mareykanka ah.

waxaa uu xusay in meeelaha ugu badan ay yihiin xeebaha dhanka gobollada Mudug iyo Bari halkaasi oo lagu arko xiliyada qaar maraakib shisheeye oo kalluumeysi sharci daraha samenaya.

Sidoo kale Faarax Qare ayaa sheegay in dawladda xiligan aysan awood u lahayn inay ka hortagto marakiibtaasi, waxaana uu xusay inay dhibaato badan ku qabaan kallumeysatada Soomaaliyeed maraakibtaasi shisheeye.

Goobjoog News