U bood dhigaalka

68 Maalmood Kadib, Soomaalidii Yemen Lagu dilay Weli Lama Aasin, Hey’adda Qaxootiga Yemen Oo Xaqiijisay

Sheeko:Dalka

68 maalmood ayaa laga joogaa markii si gardarro ah lagu dilay 42 qof oo Soomaaliya ah oo doon saarnaa xili ay u socdeen dalka Suudaan.

Mudada intaa la eg, weli meydadkii lama aasin, sidaa waxaa Goobjoog News u xaqiijiyay Cali Yare oo ka tirsan hey’adaha  diiwaangeliya qaxootiga Soomaaliyeed.

Cali waxaa uu intaa raaciyay in ay dhici karto in Khamiista la aaso meydadkaas, ma aha markii ugu horreysay oo la dhaho meydadkaas waa la aasayaa, laakin taasi ma dhici.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay uga gaabsatay in ay la hadasho Xuutiyiinta iyada-dowladda-oo ku mar-marsiyooneysa in aaney aqoonsaneen qoladaas afgambisay Cabdirabu Mansuur, arrintan waxaa ay qeyb ka tahay guul-darooyinka Farmaajo ee 100-kiisa maalmood ee ugu horreeyay.

Goobjoog News waxaa ay horay u daabacday wararka ku saabsan qaxootigan gardarrada lagu dilay, welina kama daaleyno illaa laga soo helo dadkii ka dambeeyay dilkaas waxashnimada ah.

16-kii bishii March ayey diyaarad Helicopter ah duqeyn ku dishay 42 qof oo Soomaali ah oo saarnaa dooni ku sii jeeday dalka Suudaan.

Goobjoog News