U bood dhigaalka

Baydhabo: Dad Lagu Soo Qabtay How-gal Ciidan, Waxaa Ku Jira Dad Dil Geystay

Sheeko:Dalka

Howl-gal Ciidamada booliiska iyo kuwa ammaanka ay ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhabo ee Koofur Galbeed ayaa dhowr qof oo lala xiriirinayo xarakada Al-shabaab lagu soo qabtay.

Xasan Xuseen oo ah wasiirka hubka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka ee maamulkaas ayaa sheegay in ciidamadooda ay howl-gal ka sameeyeen gudaha iyo afaafka magaalada Baydhabo. Wasiirka waxaa uu intaa ku darayaa in goor sii horreysay ay ciidamada qabteen nin dil ka geystay magaalada Baydhabo.

“Ciidamada Booliiska iyo kuwa ammaanka ayaa howlgallo ka sameeyay magaalada Baydhabo, waxaa u suurogashay in ay soo qabtaan rag uu ku jiro qof dilay haweeney ganacasato ah oo caan ka aheyd magaalada baydhabo”.

Ciidamada ammaanka maamulka Koofur Galbeed ayaa howl- ammaan sugid ah oo joogta ah ka sameeya magaalada Baydhabo, waxaa ay soo qabtaan dad la tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, waxaa aad u adag in la ogaado habka cadaaladda maamulkaas iyo dadkaas halka ay ku dambeeyaan.

Goobjoog News