U bood dhigaalka

QM Oo Eedeysay South Sudan

Sheeko:Dalka

Guddi khubaro ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa waxa uu dowladda koofurta Sudan ku eedeeyay in kharashaad badan ay ku bixisay  dhinacyo ay ka mid yihiin milatariga,  xilli ay abaar ba’an ku dhufatay qeybo badan oo ka mid ah dalkaas.

Dagaalka sokeeye  ee ka taagan Koofurta  Sudan ayaa galay sanadkii saddexaad.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dowladda Koofurta Sudan ay ugu yaraan kala bar miisaaniyadeeda ku bixisay  ammaanka iyo hub, halka boqol kun oo qof ay u dhimanayaan macaluul inta badan ka dhalatay howlgaladeeda milatari ee ay dalka ka waddo.

Bishii la soo dhaafay qeyba ka mid ah gobolka Unity ee waqooyiga dalka ayaa waxaa looga dhawaaqay inay macaluul ka jirto.

Magaalada gobolkaa ugu weyn ee Leer oo ah halka uu ka soo jeedo hogaamiyaha fallaagada Riek Machar, ayaa ciidammada dowladda waxaa lagu eedeeyay inay gobolka ka gaysteen tacaddiyo ballaaran.

Khubarada Qaramada Midoobay oo weli aanan daabicin warbixintooda oo dhameystiran ayaa sheegay in Golaha Ammaanku ay tahay inuu dalkaasi Koofurta Sudan ku soo rogo cunaqabateyn dhanka hubka ah, taasina waxa ayba u muuqataa in aysan  dhaceyn.

Goobjoog News