U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Ku Jira Fasax Aan Rasmi Aheyn, Una Xayiran Xukuumadda, Xildhibaanno Guddoonka Dhaliilay

Sheeko:Dalka

Golaha Shacbaka oo laga sugayey shaqo badan, isla markaana dhexda uga jira kulamadii kalfadhiga 1aad ee baarlamaanka 10aad ayaa maalmahan iska galay fasax aan rasmi aheyn kadib markii aanu wax kulan ah yeelan in muddo ah.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in xildhibaannada golaha shacabka ay ku mashquuleen arrimaha xukuumadda oo aaney shaqadooda qabsan, arrintaas oo ka hor imaaneysa awoodaha dastuuriga ah ee golaha shacabka isla markaana horseedi karta in ay isku milmaaan awoodaha dastuuriga ah.

Xildhibaannada sida ay ra’isul wasaaraha u ansixiyeen waxaa ay isugu yimaadeen hal kulan, kulankaas oo weliba saxaafadda loo diiday waxaa inyar laga hadlay maalintaas sidii lacag loogu aruurin lahaa  abaaraha iyo aqoonta golaha shacabka iyaga oo qaar ka tirsan Xildhibaannada ka biyo-diideen in ay bixiyaan lacagta la isku qoray oo aheyd $1,700, arrrintaas oo maalintii kale ee la ballamay uu guddoonka sheegay in kooramka aanu buuxin. Wixii maalintaas ka dambeeyay waxaa uu golaha ku jiraa fasax aan rasmi aheyn.

Xildhibaan Khaalid Macow: Golaha shacabka waxaa Horyaallo Howllo  joogta ah

Xildhibaan Khaalid Macow waxaa uu qabaan in baaqashada kullamada golaha shacabka ay tahay nasiib darro, isaga oo soo jeediyay in ay aheyd in golaha shacabka aanu ku mashquulin xukuumad la dhisayo iyo xukuumad la ansixinayo midna.

“Golaha shacabka waxaa horyaallo howl joogta ah, xukuumad uma xayirnaan karo, ee waa in howsha socotaa oo aa la sugin xukuumad, waxba noogama xirna” ayuu intaasi raaciyay.

Xildhibaan Khaalid Macow waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in golaha shacabka uu sidoo kale leeyahay dhaqan xun oo ah in marka uu kulanka jiro la yimaado waqti dambe, loona baxo si dhaqso ah.

Xildhibaan Dhalxa: Waxaa Qalad Ah In Kulama Golaha u Baaqdaan Xukuumad Darteed

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in baarlamaanka shaqadiisa uu gabay, kulamadiisana u baaqdeen sababo la xiriira xukuumadda, isagoo intaa raaciyay in baaqashada kulamada golaha shacabka aan loo heyn wax cudur-daar ah.

Dhalxa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa“Madaxweynaha Howshiisa waa wataa, Ra’isul wasaaraha sidoo kale, Maxaa innaga shaqo la’aan naga dhigay”

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa waxaa uu ugu dambeyntii soo jeediyay in golaha shacabka isku yimaado oo guddiyadiisa dhisto, xukuumadda la horkeeno, oo shaqada golaha u socoto si caadi ah.

Xildhibaan Warsame Godax: Golaha Shacabka Waxaa Muuqda Dhaliilo

Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan(Jodax) oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in golaha shacabka hor yaallaan howlo badan oo ay tahay in uu wax ka qabto, isagoo intaa raaciyay in ay muuqdaan dhaliilo badan.

Xildhibaan Warsame Joodax waxaa uu qabaa in golaha shacabka ay aheyd in hey’adaha amniga wax ka weydiiyaan sababta qaraxyada u dhacayaan, haddii ay wax tabanayaanna la siiyo, waxaa uu sheegay in ay aheyd in shacabka wax loo qabto isagoo madaxda dowladda ku eedeeyay in ay doonayaan in ay iska horkeenaan golaha shacabka iyo dadweynaha kadib markii sida uu sheegay golaha ay albaabada ka xirteen oo aan waxba lagala tashan.

Goobjoog News