U bood dhigaalka

7 Qodob Oo Farmaajo Ay Tahay In Uu Kala Hadlo Donald Trump

Sheeko:Dalka

Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Villa Somalia, waxaa lagu wadaa in Riyadh ku kulmaan madaxweyneyaasha Mareykanka Donald Trump  iyo Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kulanka labada nin, waxaa uu dhacayaa iyada oo halkaasi Trump kula hadli doono madaxda Islaamka, ujeedadiisuna ay tahay la dagaalanka argigixisada iyo dhismaha isbaheysi sunni ah.

Hadaba, Maxay Tahay In Farmaajo Uu Kala Hadlo Trump:

1. Fiisaha: Donald Trump waxaa uu weli ku adkeysanayaa in dalal ay ku jirto Soomaaliya muwaadiniintooda laga mamnuuco dalka Mareykanka arrintaas oo ka hor imaaneysa xuquuqda aadanaha, madaxweyne Farmaajo waxaa laga doonayaa in uu u hadlo shacabka Soomaaliyeed ee laga xayiray albaabada Mareykanka ama ku dhib qaba sidii ay ugu safri lahaayeen dalkaasi.

2. Qaadista Cuna-qabateynta Hubka: Mareykanka waa dalka ugu weyn dunida, ugu xoogga badan, hadalkiisa waxaa uu ka soconayaa kooxda ku dheggan Soomaaliya ee golaha ammaanka, haddii Mareykanka kala hadlo golaha ammaanka in la qaado ama la qafiifiyo cuna-qabateynta hubka waa arrin anfaceysa Soomaaliya…arrintaas waxaa horay u sameeyay Obama 2014-kii.

3. Dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka: Mareykanka waxaa uu ka mid yahay dalalka u xamaasadeysan dhismaha ciidamada xoogga dalka gaar ahaan 22 kun ee lagu heshiisyay London 11-kii May, laakin waxaa muhiim ah in ciidanka u baahan yahay tababar iyo qalabeyn, Mareykanka waxaa uu aad u taageri karaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

4. Taageero Dhaqaale: Mareykanka waa dalka ugu badan ee lacag ku bixiya Soomaaliya, waxaa uu lacagta u soo mariyaa hey’adaha qaramada midoobey, taageeradaas waxaa loo isticmaalaa hey’adaha dowladda iyo arrimo la xiriira banii’aadnimada, hadda waxaa la joogaa xilligii dowladda Mareykanka ay taageero rasmi ah oo toos ah siin laheyd Soomaaliya si loo dhiso hey’adaha dowliga ah.

5. Joojinta Dib U Soo Celinta Qaxootiga: Mareykanka waxaa uu ka mid tahay dalalka diidanaa in Kenya ay soo celiso qaxootiga, isaga oo ku mar-marsiyoonaya in Soomaaliya aaney nabad aheyn, haddii arrintaas ay dhab ka tahay muxuu u soo celinayaa qaxootiga Soomaaliyeed ee Mareykanka, boqolaal Soomaali ah ayuu Trump dalkiisa ka soo tarxiilay bilihii ugu dambeeyay, arrintaas oo ka hor imaaneysa sharciyada qaxootiga caalamka.

6. In Uu La Hadlo IMF-ta Iyo World Bank: Soomaaliya waxaa laga codsaday in  xiriirka ay u wanaajiso hey’adaha lacagta sida IMF-ta Iyo World Bank, sidaa darteed Mareykanka waxaa uu gacan ka geysan karaa wanaajinta xiriirka labada dhinac.

7. La Dagaalanka Argigixisada: Mareykanka waxaa uu sida uu rabo ka yeeshaa dhulka Soomaaliyeed, waxaa uu Soomaaliya ka weeraraa goobta uu rabo iyo xilliga uu rabo, waxaa uu dad rayid ah ku dilay gobollada koofurta Soomaaliya, waxaa Farmaajo la gudboon in madaxweynaha dalka ay dhalasho wadaagga yihiin u sheego in uu nabad-geliyo dhulka Soomaaliyeed.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News