U bood dhigaalka

7 Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Baardheere, Gedo

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya degmada Bardheere ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in 7 ruux oo 4 kamid ah yihiin carruur ay cudurka shuban biyoodka ugu geeriyoodeen degmadaasi, iyadoo tiro intaa ka badan ay cudurkaasi la il daran yihiin.

Ugu yaraan 21 qof oo uu soo ritey cudurkaan ayaa la sheegay in la dhigay isbitaalka degmada Baardheere, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad aad u liidato.

Sharmaarke Maxamed Sharmaarke oo kamid ah dhaqaatiirta isbitaalka degmada Baardheere ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay wadaan dedaalka lagu daweynayo dadka uu cudurkaan soo ritay.

Waxa uu sheegay dhaqtarkaan in sababaha ugu weyn  ee cudurka kusii faafayo ay tahay abaar baahsan oo dalka ka jirta iyo dadka oo aan helayn biyo nadiif ah.

Deegaanno badan oo dalka kamid ah waxaa cudurka shuban biyoodka ugu dhintey dad u badan carruur, iyadoo meelaha qaar aaney jirin dawo dadka ku filan.

Goobjoog News